Milateriga Kenya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa sheegay inay dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen deegaan 50-km u jira degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
War saxaafadeed ka soo baxay Afhayeenka Ciidamada Milateriga Kenya Col. David Obonyo ayaa lagu sheegay in weerar ay ku qaadeen saldhig Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Sidimo ay ku dileen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa sameynta Qaraxyada.
Col. David Obonyo ayaa sheegay in Sarkaalka ay dileen lagu magacaabo Macalin Shariif oo uu xusay in Al-Shabaab u qaabilsanaa farsameynta waxyaabaha qarxa.
Waxaa uu sheegay in weerarkaas ku qabsadeen 16 ka mid ah qoryaha AK47, waxyaabaha qarxa iyo 8 qoryaha garbaha laga tuuro.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkaas ay ku doleen 20 kale oo ka mid ah Al-Shabaab, halka kuwa kalena ay baxsadeen, iyagoo dhaawac ah.
Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in weerarka ay qeyb ka ahaayeen, isla markaana ay ku dileen Saraakiil dhowr ah oo uu ku jiro ninka Shabaab u qaabilsan waxyaabaha qarxa.
Maalintii Khamiistii ayay aheyd markii Kenya ay sheegtay inay duqeyn ku dishay Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab Mahad Karatay, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa ku tilmaamay warkaas mid aan waxba ka jirin oo been abuur ah.