Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa waxay maanta u fariisatay dhageysiga dacwad ciqaabeedka saddex qof, oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa Xuseen C/qaadir Salaad, C/risaaq Xuseen Cismaan iyo Fartaan Isaaq Cabdi ku soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ka dib markii lagu soo qabtay caagado ay ku jiraan baaruudda qaraxyada laga sameeyo.
Dadkan, ayaa waxaa lagu soo qabtay hawlgal laga sameeyay Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Banaadir, ka gadaal markii Ciidanka Booliska ay gudaha u galeen guri jiingad ka samaysan oo dadkaasi ay ku sugnaayen. Dowladda ayaa la wareegtay gurigii laga helay agabyada qaraxyada laga sameeyo.
Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad Ee Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Shuute, ayaa ku dhawaaqay xukun xabsi daa’in ah oo Maxkamaddu ay ku riday saddexdaasi ruux.
Gudoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay, ayaa tilmaamay dadkaasi in lagu helay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, taasina ay horseeday xukunka adag ee maanta ku dhacay.
Xasan Cali Shuute, ayaa carab dhabay dadkaasi inay racfaan ka qaadan karayan xukunka ay ku riday Maxkamadda Darajada 1-aad, waxaana markale kiiskooda qaadi doonto Maxkamadda Sare Ciidamada, waa haddii ay racfaan ka qaataan’e.
Xabsiyada Magaalada Muqdisho, ayaa la ciir ciiraaya maxaabiis la sheegay inay ka tirsan yihiin mintidiinta Ururka Al Shabaab, xilli xukuno kala duwan ay ku xukuman yihiin.












