Ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa dagaal culus ku qaaday Degmada Runirgood oo ka tirsan Gobolka Sh.dhexe, halkaasi oo shalay ciidamada Dowladda ay ka qabsadeen Shabaabka.
Dagaalkaan ayaa Shabaabka waxa ay Degmadan ku soo qaadeen saaka aroortii, waxaana la sheegayaa in dagaal culus uu weli ka socda Duleedka Deegaanka Runirgood.
Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada Shabaabka oo wata gaadiid dagaal ciidan badana ah ay soo qaadeen weerarkaan, islamarkaana iska caabin ay kala kulmayaan ciidamada dowladda.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa sheegay inay weli ku sugan yihiin Deegaanka Runirgood, islamarkaana ay iska caabinayaan ciidamada Shabaabka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Shabaabka ay u suuragashay inay gudaha u soo galaan Degmadan, inkastoo weli dagaalka uu halkaasi ka socdo.
Lama oga inta uu la eeg yahay Khasaaraha ka dhashay dagaalkaan ciidamada Dowladda iyo Ururka Al Shabaab ku dhexmaraya Degmada Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe..