Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Bakool, ciidamada Ururka Al Shabaab ayaa qabsaday deegaanka Buur dhuxule oo ka tirsan Gobolkaasi.
Dib u qabsashada Shabaab ee deegaanka Buur dhuxule, ayaa timid kadib markii ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federalka Somaliya ay isaga baxeen deegaankaasi.
Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Shabaabka ay qabsadeen deegaankaasi, balse ma uusan bixin faah-faahin badan oo ku aadan qaabka Shabaabka ay ula wareegeen deegaankaasi.
Buur dhuxule ayaa qiyaastii 30-KM u jirta Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaasi oo ay joogaan ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Amisom.
Ilaa hada lama oga sababta rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay uga baxeen deegaanka Buur dhuxule oo ka tirsan Gobolka Bakool.
Ciidamada Itoobiya ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay ka baxayeen deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool, lamana oga sababta rasmiga ah ee arintaasi ka dambeysa.
Al Shabaab ayaa sheegtay inay ku sugan yihiin deegaanka oo ay xaqiijiyeen ammaanka, waxaana ay sheegeen shacabka inay si wanaagsan ugu soo dhaweeyeen ciidamada Shabaabka ee deegaankaasi dib u qabsaday.