Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa sheegay dhawaan inuu isku shaandheyn ku sameyn doono Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed.
Waxa uu sheegay Shariif Xasan Isku shaandheytaan in looga gol leeyahay horay u socodka maamulka Koonfur Galbeed, maadaama loo baahan yahay isbedel muuqda inuu ku yimaado Maamulka.
Shariif Xasan ayaa sheegay Wasiirada hadda jooga inay ku soo shaqeeyeen duruufo kala duwan oo dhanka dhaqaalaha iyo ammaanka ah, wuxuuna sheegay inuu aad ugu ammaanaayo shaqooyinkii adkaa ee ay soo qabteen.
“Insha Allah waqti dhaw waxaan rajeynayaa in isku shaandheyn la sameeyo, Wasiiradana waxa ay ku soo shaqeeyeen duruufo kala duwan oo dhanka dhaqaalaha ah, ammaanka, raggii iyo gabdhihii nala soo shaqeeyay shaqooyin badan ayeey qabteen, mahadi haka gaadho wasiiradaasi oo gabdho iyo Wiilalba leh, duruufo adagna wey ku soo shaqeeyeen, haddana Insha Allah isku shaandheyn ayaan sameyn doonaa hadii Ilaahey laga helo.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo hadda aanan tayo badneyn ayaa qaarkood ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana shaqeeya oo muuqda kaliya Wasaaradaha kala ah Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Maleeshiyaadka, Wasaarada Arimaha gudaha iyo Wasaarada kale oo kooban.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan u dabaal degay labo sano guuradii ka soo wareegatay markii la aasay aasay Maamulkaasi, balse horumaro kala duwan kuma tilaabsan maamulka.
Al Shabaab ayaa ah caqabada ugu weyn ee hortaagan Maamulka Koonfur Galbeed, marka la eego deeganada ay ka joogaan gobolada dalka oo u badan kuwa Koonfur Galbeed.