Waxaa goor dhaweyd Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya ka furmay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadlaayo arimaha ku aadan Doorashooyinka dalka iyo dhismaha Aqalka Sare.
Shirkaan oo ay wada qaadanayaan Madaxda Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa la sheegay inuu socon doono muddo labo cisho ah oo lagu gorfeyn doono arimaha ugu waaweyn.
Arinta aadka loo hadal haayo ayaa ah arinta ku aadan Dhismaha Aqalka Sare ee dalka iyo Muqdisho inay xubin ka noqonayso.
Saxaafadda ayaanan faah-faahin badan ka haynin Shirkaan oo masuuliyiinta Shireysa u gaar ah, waxaana madasha Shirka ku sugan Masuuliyiinta dalka ugu sareysa.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan Xeer Madaxweyne ku ansixiyay Heshiiskii ay wada gaareen Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira iyo Madaxda Dowladda Heshiiskaasi dhigaayay in Muqdisho qayb ay ka tahay qaybsiga Aqalka Sare ee dalka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta ka codsaday Xubnaha Madasha Aqalka Sare in la cadeeyo Maqaamka Magaalada Muqdisho.
Shirkaan oo maalinta beri ah la soo gaba gabeyn doono, ayaa la filayaa in laga soo saaro War murtiyeed ku aadan waxyaabaha Madaxda ay ka