Waxaa goor dhoweyd la soo gaba gabeeyay shirkii Madasha Wada tashiga qaran ee looga hadlayay hanaanka doorashooyinka sanadka 2016, iyadoo xilligan ay socdaan khudbadaha xaflada lagu soo xirayo shirkan oo labo maalmood socday.
Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Madaxda dowladda Federaalka, Madaxda Maamulada gobolada, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Wasiiro ka socday dowlad goboleedyada, qeybaha bulshada iyo wakiilo ka socday Beesha Caalamka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa akhriyay war murtiyeed ka soo baxay shirka wada tashiga, kaasoo ka koobnaa illaa 10 qodob oo ay ugu muhiimsan yihiin hanaanka loo galayo geedi socodka doorashooyinka 2016 nooca iyo habka lagu xulanayo.
Ergada Madasha wada tashiga qaran ayaa waxay isku raaceen hab raaca howl fulineed oo tilmaamaya hanaanka uu wada tashiga u dhacayo iyo soo jeedimaha kala duwan ee doorashooyinka ku dhici karaan sanadka 2016.
Sidoo kale Ergada waxay isku raaceen maadaama duruufta haatan lagu jiro aysan saamaxeyn doorasho hal qof iyo hal cod, balse la qaban karo doorasho dadban, taasoo ah wixii ka baxsan hal qof iyo hal cod.
Waxaa kaloo Ergada isku raacday in loo baahan yahay in wada tashi dheeri ah oo qeybaha kala duwan ee bulshada lala yeesho sida dhalinyarada, haweenka, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanada, ganacsatada iyo dadka laga tirada badan yahay.
Kulamada wada tashiga ayaa la isku raacay inay ka dhacaan deegaanada maamul goboleedyada, waxaana la soo jeediyay inay ka qeyb galaan beelaha ka soo jeeda Somaliland.
Waxaa kaloo la tilmaamay in wada tashiyada ay qeyb ka noqdaan qurba-joogta Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo in la maqli codka dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool.
Kulanka wada tashiga midka xiga ayaa waxaa la qaban doonaa todobaadka labaad ee bisha December, iyadoo lagu soo bandhigi doono talooyinka laga soo uruuriyay bulshada ku nool deegaanada gobolada dalka, si loo qaato qaabka ugu wanaagsan ee doorashooyinka sanadka 2016 u dhacayaan.
Dhinaca kale waxaa wali ka socda hoolka shirarka ee ku yaala garoonka diyaaradaha khudbadaha Mas’uuliyiinta, waxaana intii uu shirkan socday xirnaa wadooyinka muhiimka ah ee magaalada sida Maka Al-Mukarama, waxaana ammaanka ahaa mid aad loo adkeeyay.
Halakan ka aqriso war murtiyeedka shirka:-

