Waxaa Saaka oo Salaasa ah Hotelka Mansoor ee Hargeysa ka furmay shirweynaha xisbi xaakimka Somaliland ee Kulmiye, shirkan ayaa lagu wadaa in golaha dhexe ee xisbigaasi ku doorto Murashaxiinta xisbigan u mateli doonta Doorashada Somaliland ee 2017.
Xisbiga Kulmiye oo uu khilaaf weyn soo dhexgalay ayaa waxaa maalmo kahor ku dhawaaqay inaysan shirkan ka qeyb geli doonin murashaxiinta doonayey inay u tartamaan xilka Madaxweynaha kuwaasi oo ku eedeeyey Guddoomiyaha Kulmiye oo isagu kamid ah murashaxiinta inuu afduubay shirweynaha xisbiga.
Madaxweynaha Soomaliland Axmed Siilaanyo oo laftiisa la hadal hayey inuu damac uga jiro inuu isa soo sharaxo ayaa la sheegay inuu si toos ah u taageeray murashaxnimada Muuse Biixi oo xiligan ah Guddoomiyaha Kulmiye isla markaana doonaya inuu noqdo Murashaxa xisbiga ee Doorashada 2017.
Waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay socotay diiwaangelinta Golaha Dhexe ee xisbiga, hawshaasi oo ay qaar kamid ah murashaxiinta ay sheegeen inaan sidii loo rabay loo fulin, isla markaana dad si gaar ah loo keensaday ay maanta ka qeyb geli doonaan shirka, ergadaasi oo la sheegayo inay u heelan yihiin inay doortaan Muuse Biixi.
Siilaanyo oo marar badan la weydiiyey inuu isa sharaxi doono ayaa ku cel celiyey inuu la sugayo wakhtigeeda, welina macada inuu shirweynahan uga dhawaaqi doono inuu murashax yahay.
Khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa si weyn looga dareemay Somaliland kadib markii ay dhawaan xilalka iska casileen in badan oo kamid ah Golaha Wasiirada kuwooda ugu caan-sanaa, iyagoo ku dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo inuu u xaglinayo dhanka Guddoomiye Muuse Biixi.
Dhinaca kale waxaa iyaduna taagan xiisad kale oo u dhaxeysa murashaxiinta u tartamaha xilka Madaxweyne kuxigeenka ee xisbiga Kulmiye, kadib markii Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglo-toosiye uu sheegay inuu u tartamayo xilka Madaxweyne kuxigeenka, balse Madaxweyne kuxigeenka xilka haya Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay inuu sharaxan yahay, khilaafkan oo ay dadka qaarkiis sheegeen inuu khal khal gelin karo awood qeybsigii beelaha ka tirsan maamulka Somaliland.