Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Somalia Danjire Nicholas Kay, ayaa ka hadlay arimaha siyaasada dalka Somalia oo uu sheegay inay jiraan gaabis badan oo dhanka horumarka siyaasada dalka ah.
Mr.Kay ayaa sheegay hanaanka Siyaasada iyo Dimuqraadiyada Somalia ay ku socoto inay tahay mid gaabis ah, maadaama ay jiraan dib udhacyo dhanka siyaasada ah, xilli la doonaayay inay dar dar ku socdaan siyaasada Somalia.
“Waxaan is leeyahay hormarka laga gaaray dhanka siyaasadda iyo dimuqraadiyadda waa mid gaabis ah, oo aan ahayn sidii la rabay, waana mid aan ahayn sidii Soomaalidu ay doonayeen, guddiga madaxa banaan ee doorashada xilli dambe ayaa la dhisay oo lagu dhawaaqay.” Ayuu yiri Danjire Kay
Waxa kale uu sheegay Isbedelka lagu sameynaayo Dastuurka Somalia inay gaabis tahay oo sidii loogu talo galay howshaasi aysan ku socon.
”Isbedalka lagu sameynaayo Dastuurka sidoo kale waa mid ku socday gaabis, waxaana ay noqotay xaqiiqdii in arintaasi aysan suurta gal noqon doonin marka la gaaro 2016-ka in aysan muuqan in qof iyo cod wadankaan in ay ka dhacdo oo doorasho la qaato, laakiin waxaa jiri doona geedi socod doorasho, waxaa cad qof kasta in uusan jiri doonin in isaga uu codeeyo hase ahaatee la doonayo in arimahaasi xogtooda laga helo baarlamaanka ama fulinta sida ay wax u dhacayaan, iyadoo aysan jirin wax muddo kororsi ah.” Ayuu hadalkiisa ku daray Kay oo u waramay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Somalia, ayaa sidoo kale ka hadlay muddo kordhintii Golaha Ammaanka ay u sameeyeen Xafiiska UNSOM iyo howlgalka Midowga Afrika ee Amisom.
“Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay dib ayuu cusbooneysiiyay ogolaanshaha, waana ku saxan tahay, waana is leeyahay inay rajeynayaan horaanta Sanadkaan 2016-ka inay muhiim u tahay in la gaaro Hormaro, hadii ay ahaan lahayd ammaanka iyo siyaasadda, waxaa hadda nasoo haya Sanad aad u muhiim ah, kaasi oo ah in Baarlamaanka ay u harsan tahay 12-bilood, ka dibna madaxweynaha waxaa laga fursaneyn in la’iska hubiyo, waxyaabaha qaar”
Dowladda Somalia ayaa dhawaan ku dhawaaqday in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, balse la qabanaayo shir wadatashi ah oo looga hadli doono marxlada doorashada loo wajihi doono