Dowladaha Somaliya iyo Turkiga, ayaa waxay maanta Magaalada Istanbul ku kala saxiixdeen heshiis dhinaca Tamarta iyo Korontada ah, oo Turkigu uu ka fulin doono dalka Somaliya.
Heshiiskan, ayaa waxaa uu ka dhacay Conrad Hotel, ka hor intii aanu maanta shirka Somalida ka furmin Magaalada Istanbul. Waxaana labada dhinac heshiiska u kala saxiixay Wasiirada Tamarta & Korontada
Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa labaduba goobjoog ka ahaa heshiiska ay kala saxiixdeen labada dal.
Madaxweynaha Turkiga, ayaa waxaa uu ballanqaaday inay joogteen doonaan taageerada ay siinayaan Somaliya, iyadoo hadafkuna uu yahay in Somaliya ay noqoto dal ammaan ah.
Madaxweyne Erdogan, ayaa sanadkii 2011-kii booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, xilli abaaro daran ay ka jireen Gobolada Koonfureed Somaliya. Erdogan waxaa lagu sifeeyaa shakhsi caalamka tusiyay in Somaliya la taggi karo, xilli caalamka uu walaac xoog lihi ka muujinaayay nabadgelyada Somaliya.
Turkigu waa dalka keliya ee taageerada tooska ah iyo midda aan tooska ahaynba siiya Somaliya, waxaana afartii sano ee la soo dhaafay uu mashaariic ballaaran uu ka sameeyay Magaalada Muqdisho.



