

Wararka
Soomaaliya oo xubin muhiim ah ka heshay Q.M (Daawo sawirada)
La Qoray
6 years agoon
Waxaa Qoray
Star FMWafdi balaadhan uu hoggaminayo, Ra’isal wasaare kuxigeenka Dawlada Federalka Soomaliyeed, ayaa ka qayb-galay, kalfadhigii 19aad ee Gollaha caalamiga ee Bahwaynta ka hortaga Khatarta Baddaha Soomaliyeed (The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia – CGPSC), oo lagu soo gabagabeeyay, Dalka Seycheles. Wafdiga waxaa dawlada Seycheles, u soo dhawaysay, si walaaltinimo oo ay gacal-tooyo taariikheed kujirto.
Ra’isalwasaare kuxigeenka oo kamid ah, hoggamiyayaasha furay shirkan, oo ay ka soo qaybgaleen, dhamaan dalalka ku bahoobay Kooxda…..Badwaynta India, ayaa, waxaa ka mid ah, dalalka Ingriiska, Maraykanka, China, japan, Russia, France, Germany, Italy, Qaramada Midoobay, Middowga Yurub iyo dalalka badwaynta Hindya la wadaaga Soomaliya.
Muddane Maxamad Cumar Carte Qaalib, oo hoggaminaya, wafdi heer federal ah, khubarada Amniga Qaranka iyo dawlad goboleedyada xubanaha ka ah, dawlada Federalka Soomaliyeed, ayaa wuxuu qudbadiisa ku soo bandhigay, aragtida shacbiga Soomaliyeed iyo Xaalada maanta ee Xeebaha badaha Soomaliyeed, iyo waliba baahidda wayn ee loo qabo, in Dawlada Soomaliyeed cod ku yeelato, arrimaha lagaga hadlayo, dalkeeda iyo danteeda, si loo ilaaliyo, jiritaanka qaranimada Soomaliyeed, gargaarka caalamkuna u gaadho si toosa shacbiga Soomaliyeed.
Wuxuu Ra’isalwasaaruhu sawir ka bixiyay, sababaha saldhiga u ahaa, Budhcad badeedka, oo ay kamid yihiin, kaluumaysiga sharcidarida ah, qashin qubka walxaha mamnuuca ah ee badaheena iyo isticmaalka sharcidarida ah ee loo isticmaalo marinka tahriibka caalamiga iyo ku ganacsiga hubka sharcidarida ah.
Si taasi looga hortago, wuxuu Raisal wasaare kuxigeenku caalamka u soo jeediyay, in dawlada Federalka Soomaliyeed lagu taageero, qorshaheeda cusub ee ah, sidii ay hormoodka uga noqon lahayd, cod dheerna ay ku yeelan lahayd, heer caalamiya, arrimaha lagu gorfaynayo amniga iyo badbaadinta xeebaha badwaynta india iyo waliba in la xoojiyo, mashaariic kor loogu qaadayo nolol-maalmeedka shacbiga degan xeebaha badaha Soomaliyeed.
Waxaa kale, oo Ra’isalwasaare kuxigeenku, ku nuuxnuuxsaday, baahida loo qabo, in caalamku taageeraan kaluumysatada Soomaliyeed ee Xeebaha badaha Soomaliyeed, Min Lawyacado ee Ilaa Raas-kaanbooni, loona sameeyo qorshe kor loo qaadayo qaabka caluumaysiga casriga iyo xirfadahooda, si loo damiyo ama loo joojiyo, sababihii dhaliyay, budhcad badeednimada, haatan gabaabsiga ah.
Raisal wasaare kuxigeenku, wuxuu si kali kaliya, ula kulmay, taliyayaasha Maaakiibta ilaaliya Xeebaha iyo badaha Soomaliyeed, oo uu ka mid yahay, Taliyaha Ciidamada iskudhafka Bada, CDR John Thompson (Chief of Staff, Combined Maritime Forces).
Raisal wasaare kuxigeenku, wuxuu si kali kaliya, ula kulmay, casuumad gaarana ka kala helay, Madawayne ku xigeenka Dalka Seychles, iyo Wasiirka Arrimaha Dibada, oo ay isku afgarteen, iskaashiga labada shacbi, si loo gaadho hadafka horrumarinta iyo amniga Shacbiga Soomaliyeed.
Shirkan oo socday Afar maalmood, ayaa warmurtiyeedkiisii, lagu aqbalay gunaandkiisii, dhamaan codsigii dawlada Federalka Soomaliyeed, qorshaha dawlada federalka Soomaliyeed, oo ay weheliyeen, dhamaan xubno ka kala socday, maamul goboleedyada xubanaha ka ah, dawlada Federalka Soomaliyeed.
• Si loo hirgaliyo, himmilada iyo hadafka , hawlgalka guddiga iskudhafka ah ee badbaadinta iyo ilaalinta xeebaha badaha Soomaliyeed (MsCC), oo dhawaan ay ansixiyeen, Gollaha Wasiirada ee Dawlada Federalka Soomaliyeed., si gacanta loogu qabto, badbaadinta amniga xeebaha badaheena iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badaheena.
• Waxaa Ra’isal wasaare ku xigeenka dawlada Federalka Soomaliya, Maxamada Cumar carte, ku guulaystay, markii ugu horeysay, kulankii uu la qaatay, kaaliyaha koowaad ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Middobay, oo shirka Sanduuqa Hoggaminayay, in Xubnaha qaramada middobay, isku raacaan, xubinimada Dawladda Federalka Soomaliya (FGS), ee Sanduuqa Caalamiga ah ee ka hortaga sababaha dhaliyay budhcad badeedka iyo kaalmaynta bulshada degan xeebaha Badaha Soomaliyeed ee ay saamaysay aafada budhcad-badeedku.
• Waxaa laysku raacay, in Hoggaminta badbaadinta iyo ilaalinta xeebaha badaha Soomaliyeed, lagu taageero, si toosa, dawlada Federalka Soomaliyeed, oo leh qorshayaal saldhigiisu yahay, u adeega Bulshada Soomaliyeed, Ilaalinta Khayraadkeeda iyo iskaashiga tooska ah ee ay la yeelanayso dalalka ka taageraya badbaadinta, horrumarinta iyo Ilaalinta Xeebaha, Dekadaha iyo badaheeda.
LAGA YAABO INAAD JECESHAHAY
Wararka
Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan Laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka.
La Qoray
2 weeks agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa soo Bandhigay xaaladda binu aadannimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, isagoo xusay dadaalka iyo abaabulka gurmad ee dowladdu ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladdaas adag, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey Wakiillada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka, kaas oo ka tarjumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah iyo xoojinta wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.
Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka oo bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweeyey qabsoomidda Shirkii Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo gaba-gaboobay Villa Soomaaliya iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqan-gelkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo horumarka dalka.
Wakiillada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay dowladda Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha binu aadannimada, dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.
Wararka
Guddiga Wada Diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Dowladda oo Su’aalo Weeydiiyay Wasiir Beyle
La Qoray
2 weeks agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Guddiga KMG ah ee labada Aqal Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xilsaaray diyaarinaya Sharciga Miisaaniyadda Qaranka 2022 ayaa maanta la kulmay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Marwo Faadumo Cismaan Faarax iyo xubno kale oo la socday
Guddiga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee loo xilsaaray ayaa Wasiirka iyo xisaabiyaha guud ee Qaranka wax ka waydiiyay qarashaadka ka baxay qasnadda Dowladda bilihii la soo dhaafay, Canshuuraha iyo su’aalo kale oo la xiriira Miisaaniyadda Qaranka 2022.
Xubnaha Guddiga ayaa wada soo diyaarinta sharciga miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020, iyada oo la filayo inay horgeeyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Wararka
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay
La Qoray
2 weeks agoon
Jun 15, 2022Waxaa Qoray
Ibrahim Abdi Hassan
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Maanta Maamul cusub waxaa uu u Magacaabay degaanka Bariire oo hoostaga degmada Awdheegle ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu yiri” Iyada oo laga ambaqaadayo baahida loo qabo maamul uu yeesho deegaanka Bariire ee degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana wadatashiyo lala yeeshay dadka deegaanka, ayaa Guddoomiyaha Golka Shabeellaha Hoose Hon Ibrahim Adan Ali – Najah wuxuu magacaabay maamulka cusub ee deegaanka Bariire, kuwaas oo kala ah.
Sayid Cali Macow Axmed ayaa loo magacaabay guddoomiyaha deegaanka Bariire, halka Nuur Maxamed Sheekh Cali loo magacaabay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda.
Guddoomiyaha Gobolka ayaa u rajeeyay mas’uuliyiinta cusub inay si hufan u gutaan waajibkooda ayna xaqiijiyaan adeegga dadweynaha ay uga baahan yihiin maamulka. Waxaana Guddomiyuhu ka codsaday bulshada deegaanka inay la shaqeeyaan mas’uuliyiinta cusub.


Xasan Sheekh Oo Maanta Kulan Laqaatay Wakiilada Beesha Caalamka.

Guddiga Wada Diyaarinta Sharciga Miisaaniyadda Dowladda oo Su’aalo Weeydiiyay Wasiir Beyle

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo Magacaabis sameeyay

Ergeyga Gaarka Ah Ee Gurmadka Abaaraha Iyo Wafdi La Socday Oo Gaaray Buulo-Burte

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Taliye Ka Tirsan Puntland Oo La Dilay Isaga Oo Howlgal Ku Jiray

Ciidamada Amaanka Puntland Oo Sameeyey Howlgal Lagu Xaqiijinaayo Amniga Garawe.

Dagaal Khasaaro Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Golaha Shacabka Oo Maanta Villa Hargeysa Kuyeelanaayo kulan.

Muuse Biixi Oo Gaaray Magaalo Madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Aadan Madoobe Oo Shaaciyay In La Magacaabayo Guddi KMG Oo Ka Kooban Labada Aqal.

Soomaaliya & Talyaaniga oo ka wada hadlay Arrimo muhiim ah

Akhriso:-War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Muqdisho

Xildhibaanada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Maanta Kulan Yeelanaya & Ajendihiisa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay Wasaaradda Gaashaandhigga lana kulmay Saraakiisha Ciidamada

Xukuumadda Oo Kordhisay Lacagaha Laga Qaadayo Xujeyda Soomaaliyeed.

Maamulka G/Banaadir & Hay’adaha Amniga Oo Ka Shiray Amniga Caleemo-saarka Madaxweynaha JFS.

Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta Fagaaro Ku Toogtay Nin Haweeneey Dilay

Wafdi Ka Qeyb Galaya Munaasabadda Caleema Saarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo Gaaray Muqdisho

Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysan jirtay.

Ciidanka dowlada soomalia oo howlgal qorsheysan ka fuliyay dagmada buur hakaba ee gobalka Bay

Wafdi Ka Socda dowlada Somalia Oo Maanta Ka Qeyb Galaya Shirka Midowga Afrika Oo Furmaya

Wasiirka maaliyada xukumada soomalia Oo UK Kala Hadlay Taageerada Dib-U-Habeynta Hannaanka Dhaqaalaha Dalka

Xildhibaan sheegay in Muqdisho laga wado abaabulka qorshe xilka looga tuurayo Laftagareen

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”


Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”
