Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Somalia C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo hada ku sugan dalka Mareykanka ayaa wuxuu ka hadlay tacadiga ciidamada Amisom ay ka geysteen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.
Ciidamada Amisom, habeenkii Sabtida soo galeysay todobaadkaan waxa ay dad shacab ah ku dileen Magaalada Marka, waxa ayna dileen Aabe iyo afar caruur ah uu dhalay, waxa ay ka dambeysay dhacdadaan kadib markii Amisom lagu qarxiyay Magaalada Marka gudaheeda.
Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Somalia C/xakiin Xaaji, ayaa sheegaya sababta keentay inay soo noqdaan dhacdooyinkaan caynkaan oo kale ah inay tahay inaan lala xisaabtamin ciidamada Amisom.
Wuxuu sheegay Fiqi ciidamada Amisom inay shaqadooda tahay la dagaalanka Al Shabaab iyo inay tababaro siiyaan ciidamada Dowladda Somalia, balse marnaba shaqadooda aysan aheyn inay laayaan dad shacab ah oo ay rasaas ku furaan.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa sheegay in shacabka reer Marka aysan ku daawoowi karin warsaxaafadeed kasoo baxay Amisom, balse shacabka ay u baahan yihiin tilaabooyin cad cad oo la qaado.
Saraakiisha Amisom ee Marka ku sugan iyo Askartii ka dambeysay dhacdadaasi ayuu sheegay inay muhiim tahay in lasoo taago maxkamad Milateri si loogala xisaabtamo dhacdada ka dhacday Marka oo noqotay mid soo laa laabato.
Fiqi oo u waramay Idaacada VOA, ayaa la su’aalay suurtagalnimada in ciidamada Amisom ay ka guuraan Magaalada Marka, maadaama Odayaasha deegaanka ay sidaasi dalbadeen, waxaana uu ku jawaabay inaysan macquul aheyn in ciidanka halkaasi ay ka guuraan oo wuxuu sheegay hadii ciidamada ay guuraan inay Shabaab dib u qabsanayaan deegaankaasi, maadaama ciidamada Dowladda aysan laheyn awood badan oo ay isaga difaacaan Shabaabka.
Ciidamada Amisom ayaa dhowr mar dad shacab ah waxa ay ku laayeen Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha hoose