27 ka mid ah meydadkan, ayaa waxaa Sabtidii laga helay xeebaha Magaalada Zlitan, halka 13-ka kalana laga helay Xeebaha u dhaxeeya Tripoli iyo Khoms, sida uu sheegay Mohamed al-Masrati oo ka tirsan Bisha Cas Libya.
Zlitan waxay 150km dhinaca bari kaga toosan tahay Magaalada Tripol Ee Xarunta Wadanka Libya. Tripoli waxaa la tilmaamaa in lafdhabar ay u tahay qulqulka muhaajiriinta.
Mohamed Al-Masrati, ayaa sheegay dadkan inay la socdeen dooni ka amba baxday Xeebaha Libya oo ku sii jeeday dalka Talyaaniga, waxa uu intaa ku daray in 30 ruux oo kalana la rumeysan yahay in la la’yahay.
Al-Masrati oo la hadlay Warbaahinta Caalamka, ayaa sheegay dadka ku la’day doonidaasi inay ka kala yimaadaan Wadamada Saxaraha ka hooseeya.
Tan iyo markii ay Wadamada Reer Galbeed rideen Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Moammar Gadhafi, ayaa waxay Libya noqotay marin ay si xoogan u adeegsadaan tahriibayaasha, tiiyoo ay barbar socoto dadka ku la’anaaya min Saxaraha Libya iyo Badda Mediterranean-ka.
Dadka reer Libya oo intoodu badan ay ka horyimaadeen Korneyl Gadhafi, ayaa waxay maanta ku calaacalayan in cuqabadiisii ay ka soo baxday. Tobonaankii sano ee uu xilka haayay Gadhafi, ayaa horumar weyn ku hogaamiyay dalkiisa iyo dadkiisuba.



Red Crescent workers prepare to carry the lifeless body of a migrant, off the shore of Gasr Garabulli, in the eastern city of Tripoli, Libya, Wednesday, Oct. 21, 2015. Red Crescent collected the bodies of six people including an infant. (AP Photo/Mohamed Ben Khalifa)



