Taliyaha ciidamada dalka Kenya ee loo yaqaan KDF Samson Mwathethe, ayaa shaaca ka qaaday Shabaab inay la mid yihiin mas doonayaa in gurigaaga dhexdiisa ay soo galaan, kadibna ay ku cunaan caruurtaada, isaga oo taasi ula jeedo Shabaabka doonaya in dalka Kenya ay galaan kadibna dadka ay ku laayaan.
Isaga oo ka hadlaayay Booqasho uu taliyaha ku tagay Xeryaha Ciidanka Kenya ee Kismaayo ku leeyihiin shalay oo Jimco ah, waxa uu sheegay ciidamada Kenya inaysan ka bixi doonin gudaha dalka Somaliya, ilaa Shabaab inta laga cirib taraayo oo Somaliya looga adkaanayo.
Waxa uu tilmaamay ciidamada Kenya inay u taagan yihiin Difaacida shacabka dalka Kenya, iyaga oo dhanka kalena caawinaya ayuu yiri Walaalahooda Somaliyed ee Dhibaatada haysata.
“Hadii mas doonayo inuu gurigaaga soo galo kadibna caruurtaada cuno ma gurigaagaad ku sugaysaa mise waad ka hortagaysaa, waad ka hortageysaa Banaanka ayaadna ka difaaceysaa.’’ Ayuu yiri Taliyaha oo Saxaafadda kula hadlay mid ka mid ah Xeryaha ciidanka Kenya ee Kismaayo ee uu booqday
Inkastoo Saraakiisha ciidanka Kenya ay sheegayaan Shabaab inay ka difaacayaan dalka Kenya, hadana Shabaabka mar waliba waxa ay weeraro ka geystaan deeganada ku dhaw Degmada Lamu ee dalka Kenya.
Dhulka Kaymaha ee Boni, waxaa ku yaallo Fariisimo Shabaabka ay halkaasi ku leeyihiin, waxaana jirta in Boqolaal dagaalyahano oo ka tirsan Shabaabka inay halkaasi ku sugan yihiin.
Kenya oo Somaliya dano gaar ah ka leh ayaa ku mar marsiyoonaysa dagaalka ay kula jirto Shabaabka Somaliya ka dagaalama.