Nala soo xiriir

Wararka

Taliyaha ciidamada Uganda Gen Katumba oo uga digey ciidamada Uganda ee Soomaaliya musuqmaasuq

La Qoray

on

Taliyaha ciidamada Milatariga dalka Uganda Gen Katumba Wamala ayaa uga digey ciidamada Uganda ee u jooga nabad ilaalinta dalka Soomaaliya feejignaan la’aan iyo musuqmaasuq.

Gen Katumba oo la hadlayay ciidamo u soo ambabaxayay dalka Soomaaliya kuwaasoo qeyb ka noqonayay ciidamada AMISOM ayaa u sheegay askartaas in ay musuqmaasuq ku kacaan oo ay iibsadaan cuntada iyo shidaalka kuwaasoo loogu talogalay howlgalada Milatariga ee Soomaaliya isagoo ugu hanjabay askarigii ku kaca in uu la kulmi doono ciqaab adag.

Ciidamo ka tirsan UPDF oo ay ku jiraan saraakiil ayaa hore maxkmad milatari loogu soo taagay eedeymo la xiriira inay iibsadeen cunto iyo shidaal. Gen Wamala ayaa u sheegay ciidamada:” dhamaan qalabka ciidamada oo ay ka mid yihiin cuntada,shidaalka iyo rasaasta aan waxba lagu bedelan karin.”

“Jawaabtu waxa ay noqon doontaa mid adag marka lagu soo qabto adigoo howlahaa faraha kula jira, waxayna la mid tahay dambiyada anshax darrada ciidamada.”ayuu sii raaciyay Generalkan oo markii uu hadlakan jeedinayay ku sugnaa dugsiga tababarka ee Singo Nakaseke.

Sidoo kale taliyaha ciidamada Uganda ayaa ka digey feejignaan la’aanta ciidamada dhexdeeda ka dhici karta taasoo uu ku tilmaamay in cadowga uu ka faa’ideysan karo oo uu soo weerari karo.

Ururka Alshabaab ayaa dhowaan weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada UPDF ku lahaayeen Janaale halkaa oo ay ku dileen illaa iyo 19 askari, waxana Madaxweynaha dalka Uganda Museveni uu ku eedeeyay weerarkaa in uu kuyimid feejignaan la’aan laga arkay ciidamada UPDF.

“Waxaan idiin sheegaynaa in aad marwalba ahaataan askar feejigan. Alshabaab waa argagaxiso kuwaasoo aan dan ka lahayn nolosha waxana ay idin soo weerari karaan marka aad is dhigataan,”ayuu yiri General Wamala.

Waxaa dhowaan soo gaaray dalka ciidamo ka tirsan cutubka 17aad ee ciidamada dalka Uganda kuwaasoo gaaraya 2,777 askari waxana ay ciidamadan hore ugaga soo shaqeeyeen Koofurta Sudan waxaana hogaaminaya oo taliye u ah Col Bob Ogik. Ciidamadan ayaa waxaa lagu bedelay ciidamo kale oo hore u joogay degmada Baraawe iyo nawaaxigeeda.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Maxamed “Cirro” Oo Gaaray Magaalda Kismaayo.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal FEIT ee Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed “Cirro” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland Dr Siyaad Mursal Maxamed iyo xubnaha kale ee guddiga.

Ujeedka booqashada waftdigan ee magaalad Kismaay ayaa ah arrimo la xiriira qabsoomidda doorashada xildhibaanada Aqalka sare ee maalmaha soo socda ka dhici doona Jubbaland.

Wafdiga ka socda Guddiga Doorashooyinka ayaa lagu wadaa inay la kulmaan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cirro ayaa ah markii ugu horeysay ee u gaaro mid kamid ah maamulada dalka oo lagu wado inay ka dhacdo doorashada Aqalka Sare.

Maamulka Jubbaland ayaa u muuqda in uu noqonayo maamulkii ugu horeeyay ee ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare,iyadoo hore loo qorsheeyay inay dhacdo 25ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah.

sii aqri

Wararka

Dagaal U Dhaxeeya Ciidanka Dalwada iyo Alshabaab Oo Ka Socda Galmudug.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa degaannada Miiroon iyo Eryaale  oo u dhow degaanka Qeycad ee gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada Xoogga Dalka ,Daraawiishta Galmudug,  iyo Danab ay  weerar ku qaaday Deegaannadaas, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay sheegeen in weli dagaalka uu socdo, isla markaana khasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen Ururka Al-Shabaab.

Maalmihii La soo dhaafay ayaa waxa ka socday deegaanada gobalka mud dagaalo u dhaxeeyey cidamada is garabsanaayo iyo Alshabaab.

sii aqri

Wararka

Kismaayo Oo Laga Dareemaayo Qabanqaabada Doorashada Kurasta Aqalka Sare.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Booliska ayaa Maanta booqday hoolka loo asteeyay in lagu qabto doorashada Xilhdibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Magaalada Kismaayo.

Kormeerka Saraakiisha Ciidamada Booliska ee AMISOM ayaa waxaa uu ahaa mid qiimeyn iyo indho-indheyn ay ugu sameynayeen goobta loo asteeyay in Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ku doortan Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Saraakiisha ayaa warbixinno ka dhagaystay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubbaland iyo guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan doorashada.

Guddiga dooraahada heer dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in doorashada Xubnaha Aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo aheyd 25-ka bishan oo maalinta berri ku beegan, isla markaana ay u diyaar u yihiin qabashada doorashada.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG-ka ah ee Maamulka Jubbaland ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa gudaha Magaalada laga dareemayaa qaban-qaabada doorashada Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka12 hours ago

Maxamed “Cirro” Oo Gaaray Magaalda Kismaayo.

Wararka12 hours ago

Dagaal U Dhaxeeya Ciidanka Dalwada iyo Alshabaab Oo Ka Socda Galmudug.

Wararka14 hours ago

Kismaayo Oo Laga Dareemaayo Qabanqaabada Doorashada Kurasta Aqalka Sare.

Wararka14 hours ago

Ciidamada Dawlada oo Howlgal Ka Sameeyey Tuulooyin Hoos Yimaada Balcad

Wararka14 hours ago

Dagaal Dhexmaray Ciidamo Kawada Tirsan Dawlada.

Wararka3 days ago

Rooblle Oo Kulan Laqaatay Cabdixaashi iyo Mahdi Guuleed.

Wararka3 days ago

Wasiirka Difaaca & Arimaha Dibadda Airland Oo Muqdisho Soo Gaaray.

Ciyaaraha3 days ago

Kooxda Elman oo markii ugu horeysay u laabatay horyaalka heerka labaad

Wararka3 days ago

Diyaarda Milatari Oo Ku Dhacday Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalda Xudur

Wararka4 days ago

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar Oo Qadka Talefoonka kuwada Hadlay.

Wararka4 days ago

Diyaarad Siday Rakaab Oo Ku Soo Dhacday Gobalka Gedo.

Wararka4 days ago

Dawlada Fedraalka Soomaaliya Oo Ka Hadashay Duqeyn Ka Dhacday Galmudug.

Wararka4 days ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Munaasabada Ciida La Qaatay Ciidanka Xooga Dalka.

Wararka5 days ago

Ciidamada Dawlada Oo Howlgal Ka Wada Koofurta Mudug.

Wararka6 days ago

Shaqaalaha Dawlada Ayaa La Fasaxay Mudo Sadax Maalin Ah.

Wararka6 days ago

Ciidamada Dawlada Oo Howgalo Ka Sameeyey Jubada Hoose.

Wararka6 days ago

Madaxweyne (Cagjar) Oo Sagootiyey Ciidamo(Sawirro).

Wararka6 days ago

Ciidamo Ka Tirsan Kumaandooska Gorgor Oo La Dhaariyey(Sawirro).

Wararka6 days ago

Safiirka Turkiga Ufadhiya Soomaaliya Oo Kulan Laqaatay Wasiir Beyle.

Wararka7 days ago

Guddiga Dib u Heshiisiinta Gobolka Gedo Oo Gaaray Magaalada Kismaayo.

Wararka7 days ago

Ciidamada Dawlada Oo La Wareegey Deegaanka Camaara.

Wararka7 days ago

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Howlagalo Ka Wada Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Wararka7 days ago

Ciidanka Xooga Dalka iyo Alshabaab Oo Ku Dagaalaya Gobalka Mudug.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco