Nala soo xiriir

Wararka

Tartan ciyaarta kubada cagta ah oo lagu xusayo maalinta calnka ayaa lagu qabtay koonfur afrika(Daawo Sawirada)

La Qoray

on

Ayadoo loo dabaal dagayo maalinta la sameeyay calanka Soomaaliya sanadkii 1954 tii oo ay kasoo wareegtay 61 sano, waxaa si isku mid ah looga dabaal dagayaa qaar ka mid ah gobolada dalka iyo waliba dalalka dibada ah oo ay Soomaalida ku nooshahay.

Soomaalida ku nool gobolka Limpopo ee dalka koofur africa ayaa ka qeyb qaadanayaan xuska maalinta astaanta calanka Soomaaliya waxaa ay soo agaasimeen tartan sports oo ay soo qaban qaabiyeen bahda sports-ka Soomaalida ee gobolkaasi,tartankaasi waxaa ka qeyb qaadanayay ilaa afar koox oo ka kala dhisan deegaanada gobolkaasi oo Soomaalida ganacsiyada ay ku leedahay.

Afarta koox ee tartanka ka qeybgalayay ayaa halkaasi waxaa ay ku soo bandhigeen cayaar aad ay ula dhaceen bulshadii kala duwanaa oo kasoo qeyb gashay kuwaas oo ay ku jireen mas’uuliyiinta jaaliyada Soomaalida ee gobolka Limpopo iyo kan degmada marti galisay ee lagu magacaabo Thohoyandou ayada oo sido kale ay goobta joogeen mas’uuliyiin ka socday jaaliyada Soomaalida ee magaalada Cape town.

Ismaaciil Cabdi Calasow “Ismaaciil Burjito” oo ah gudoomiyaha sports-ka deegaanka Thohoyandou oo koobkaan soo agaasimay ayaa warbaahinta u sharaxaya ujeedada ay usoo agaasimeen tartankaan.

“Barnaamijkaan ujeedkiisu waxaa uu ahaa tartan aan ku maamuuseynay maalinta la sameeyay calanka Soomaaliya 1954-tii waxaana kasoo qeybgalay ilaa afar kooxood sanadkii na bishaan oo kale ayaan qabanaa” ayuu yiri Ismaaciil Burjito.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Limpopo Daahir Xasan Hilowle oo goobta kula hadlay warbahinta ayaa u mahad celiyay jaaliyada degmada Thohoyandou oo xil iska saartay marti galinta barnaamijkaan waxaana uu sheegay in tartankaan u qeyb ka yahay is dhaxgalka bulshada gaar ahaan dhalinyarada Soomaalida ee ka xamaasha deegaanada gobolka Lippopo.

“Waxaan u mahad celinaa shacabka Soomaalida ee ku nool xaafada Thohoyandou oo xil iska saaray qabashada koobkaan muhimada waxaa ay tahay oo kale is dhaxgalka dhalinyarada waad u jeedaan dhalinyarada meelo kala duwan ayey ka yimaadeen ayaga oo soo xeray ganacsigooda.” Ayuu sheegay Hilowle.

Cayaarta ayaa kusoo idlaatay jawi aad u wanaagsan waxaana guusha tartanka ay raacday naadiga Thohoyandou.

IMG_0003

IMG_0009

IMG_0020

IMG_0083

IMG_0098

IMG_0134

IMG_00161

IMG_00311

IMG_00381

IMG_00611

IMG_00761

IMG_9877

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Shirkii Baarlamaanka Maanta Oo Fowdo ku Soo Dhamaaday.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Xarunta Villa Haegeysa ayaa waxaa ka taagan xaalad Jahwareer ah, waxaana kulan la filayay inuu u furmo Xildhibaanada Golaha Shacabka uu mar qura isku bedelay Buuq iyo Fowdo.

Kulanka Golaha Shacabka ee furmi lahaa ayaa lagu kala tegay, kaddib markii furitaanki shirka ay is hortaageen qaar ka mid ah Xildhibaannada Mucaaradka oo diiday in shirka furmo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa faray howl wadeenada Barlamaanka in ay soo qoraan xildhibaanada is hor istaaga ku sameeyay kulanki maanta si tallaabo looga qaado sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Cudurka halista ah ee COVID-19, hayeeshee qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in kulanka lagu wato qorshe muddo kordhin loogu sameeynayo Hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha.

Xildhibaano farabadan oo ka tirsan Golaha Shacabka oo goorsii horreeysay Xarunta Villa Haegeysa tegay ayaa diiday inay saxiixaan buuga lagu xaadiriyo Xildhibaanada, si kooramka Golaha u furmo, isla markaana sheegay in Guddoonka uu damacsan yahay in muddo kordhin uu sameeyo.

sii aqri

Wararka

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Shir Gaar Ah Goor Dhow U Furmay Muqdisho.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Magaalada Muqdisho gaar ahaan hotel ku dhex yaalla Xerada Xalane ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa goor dhow uu Shir gaar ah uga furmay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda Cakiran ee siyaasadda dalka, marxaladihii ugu dambeeyay iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya aan weli heshiis laga gaarin.

Sidoo kale Shirka Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga arrinsanayaan furitaanka Ajendaha Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada, kaasi oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni.

Shirka haatan ka socda Xerada Xalene ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Galmudug Axmed Qoorqoor.

Madaxda maamulada ayaa saacadihii lasoo dhaafay Caasimadda dalka ku yeeshay kulamo gaar gaar ah oo hordhac u ahaa Shirka u furmay, iyagoonka siweyn uga hadlaya khilaafka ka taagan doorashada.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa diiday ka qeyb galka Shir dhexmaray Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada dowladda taageersan.

sii aqri

Wararka

Tallaalka Covid19 Oo Kabilaawaday Maamulka Puntland.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Waxaa maanta Puntland ka bilaawday Tallaalka Covid19, kaasi oo wasiirka cadaalada,Dastuurka, arimaha diinta iyo dhaqan celinta uu ka furay xarunta wasaaradda caafimaadka Gobolka Nugaal.

Waxaa ka qaybgalay furitaanka talaalka Wasiirka Caafimaadka oo uu weheliyo kuxigeenkiisa iyo agaasimaha guud, sidoo kale waxaa goob ka ahaa saraakiil ka socday hay’addaha WHO iyo UNICEF.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka talaalka ayaa yiri:-

“ Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka duulaysa helitaanka talaal lagu kalsoonaan karo ayaa maanta halkaan waxay ka daahfuraysaa tallaalka Covid19 oo ilaa 40 goobood hal mar ka wada bilaabanaya, xarumahan ayaa ku kala yaala 9 gobol ee Puntland.”

“Wajiga hore ee tallaalka ayaa loogu talagalay inay qataan dadka safka hore oo ay ka mid yihiin shaqaalaha Caafimaadka, Macalimiinta, Ciidamada Booliiska,Dadka waaweyn ee qaba xanuunada Sonkorta iyo dhiig karka.”

Talaalka ayaa socon doona 10 bari waxaana wajiga labaad uu bilaaban doonaa bisha May Ee sanadkan, talaalka maanta bilawday ayaa ka kooban 40,000 oo dos, marka dadka loogu talagalay dhamaadaan ayaa loo ogolaan doonaa in bulshada kale la siiyo.”

Wasiirka cadaalada, Dastuurka, Arimaha Diinta iyo dhaqancelinta Cawil Sheekh Hamid oo tallaalka furay ayaa yiri:- “ Waxaan ku faraxsanahay inaan kala soo qaybgalo Wasaaradda caafimaadka daahfurka loo samaynayo talaalka Covid19 Puntland oo maanta bilaabanaya waxaaan uga mahadcelinayaa wasaaradda dadaalka ay galisay helitaanka talaalka iyo inay ka shaqaysay inuu wada gaaro dhamaan deegaada Puntland, waliba isaga oo lagu heli karo si bilaash ah.”

“Waxaan muwaadiniinta usoo jeedinayaa inay talaalka qataan oo badbaadiyaan naftooda iyo tan qoyskooda.”

Puntland ayaa noqonaysa meesha kaliya Soomaliya ee talaalka laga bixiyo 40 goobood oo iskugu jira kuwa dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay, wasaaradda caafimaadka waxaa masuuliyada ka saarantahay badbaadinta bulshadda dhanka caafimaadka iyo helida adeeg Caafimaad oo tayo leh laguna kalsoonaan karo.

Dhamaanteen aan ka badbaadino nafteena iyo nafta dadka kale COVID-19 ee fadlan Xiro af xirka (Facemask), Gacamahaagan si joogata ah ugu dhaq shaambo ama saabuun, Dadka kale u jirso masaafo 1 mitir ah sidoo kale qaado Tallaalka COVID-19 oo kordhi difaaca jirkaaga.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
News In English3 weeks ago

Somali Police Chief Meets British Ambassador To Somalia.

Wararka3 weeks ago

Shirkii Baarlamaanka Maanta Oo Fowdo ku Soo Dhamaaday.

Wararka3 weeks ago

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Shir Gaar Ah Goor Dhow U Furmay Muqdisho.

Wararka3 weeks ago

Tallaalka Covid19 Oo Kabilaawaday Maamulka Puntland.

Wararka3 weeks ago

Dowladda Ingiriiska Oo Ka Digtay Doorasho Hal Dhinac Iyo Muddo Kororsi

Wararka3 weeks ago

AMISOM Oo Ka Guuray Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelada Hoose(SAWIRRO)

Wararka3 weeks ago

Wasiirkii Amniga Jubaland oo lagu soo Dhaweeyay Degmada Beled-Xaawo.

Wararka3 weeks ago

Beesha Caalamka Oo Shaacisay In Aysan Taageeri Doonin Doorasho Hal Dhinac Ah.

Wararka3 weeks ago

Khasaaro Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Gaari Ay Saarnaayen Dad Shacab Ah

Wararka3 weeks ago

Qodobada ay Ku Heshiiyeen Cabdirashiid Janan & Dowladda Soomaaliya oo la Doo Bandhigay

Wararka3 weeks ago

Wafdi Wasiiro Ah Oo Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Gaaray Doolow.

Wararka3 weeks ago

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliyeed oo ku sii jeeda Gedo

Wararka3 weeks ago

Cabdirashiid Janan Oo Xaqiijiyay in uu la Heshiiyay Dowladda Soomaaliya.

Wararka3 weeks ago

Weerar Askar lagu Dilay oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka3 weeks ago

Midowga Yurub Oo Farriin u Diray Hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaalida.

Wararka3 weeks ago

Maraykanka Oo Ku Baaqay in Shirka Doorashooyinka si Buuxda looga Qeybgalo.

Wararka3 weeks ago

Wafdi Ka Socda Dowladda Talyaaniga Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Wararka3 weeks ago

Madaxda Dawlada iyo Kuwa Dawlada Gobaleedyada oo Warbixin ka Dhageystay Guddiga farsamada Doorashooyinka.

Wararka3 weeks ago

Wasiirda Arimaha Dibada Soomaaliya iyo Masar Ayaa Kulan Yeeshay.

Wararka3 weeks ago

Shir Horudhac ah oo ka furmay Xerada Afisiyooni Ee Magaalada Muqdisho.

Wararka3 weeks ago

Ciidamada NISA Ayaa Howgal Kawada Magaalada Beled-Xaawo.

Wararka3 weeks ago

Waxaa Walii Socda Qaban Qaabada Shirka Muqdisho.

Wararka3 weeks ago

Wasiirka Warfaafinta oo Ka Jawaabay Hadalkii Saciid Deni.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi5 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi5 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka5 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka4 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka5 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi5 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka3 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka3 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English5 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Wararka3 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English3 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English5 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English3 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English3 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada3 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada3 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Warbixinada3 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

News In English3 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco