Diyaarad gaar ah oo ay lee dahay Qaramada Midoobe, ayaa maanta meydadkan ka qaaday Garoonka Magaalada Muqdisho, waxa ayna gelinkii dambe ka dejisay Garoonka Magaalada Kampala.
Afhayeenka Ciidanka Militariga Uganda, Captain Paddy Ankunda, ayaa bogga uu ku lee yahay Twitter-ka soo dhigay meydadka askartaasi in laga soo dejiyay Garoonka Entebbe.
Meydadkan waxay ka mid yihiin 12 askari oo Militariga Uganda ay sheegeen in looga dilay weerarkii abaabulnaa, ee Talaaladii Ururka Al Shabaab kula wareegen Xerada Ciidamada Amisom ku lee yihiin Degmada Janaale Ee Gobolka Shabelelaha Hoose.
Askartan, ayaa la fillayaa in lagu aaso deegaanada ay ka soo kala jeedaan, iyadoo Taliska Militariga Uganda uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid askartooda.
Captain Paddy Ankunda, ayaa wuxuu maanta ku cago jugleeyay in Ciidamada Uganda ee Somaliya ku sugan ay qaadi doonaan jawaab ka dhan ah weerarkaasi.
“Weerarkan wuxuu wax ka bedeli doonnaa ciyaarta, waxaan lee nahay Al Shabaab ha fishaan jawaab ay Ciidamada ka bixiyan weerarkaasi.” Ayuu yiri Paddy Ankunda.
Ururka Al Shabaab, ayaa iyagu sheegtay weerarkii Janaale inay ku dileen 70 ka mid ah Ciidanka Uganda, ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.
Dadka reer Janaale, ayaa waxaa laga soo xigtay khasaaraha Ciidanka Uganda ka soo gaaray weerarkan, in uu ka badan yahay 12-ka askari ee Uganda sheegtay in looga dilay weerarkaasi.
Militariga Uganda, ayaa magacyada tobanka askari ee Magaalada Kampala la geeyay ku kala sheegay, Lieutenant David Etua Ondoma, Sergeant Charles Outa, Sergeant Charles Ojange, Sergeant Eddy Kakaire, Sergeant Abubaker Mugumya, Sergeant Emmanuel WanyamaLance, Corporal Andrew Engema, Lance Corporal Phinius Ochowun, Private Isaac Okidi Lotyang iyo Private Geoffrey Kintu.






Uganda army soldiers carry the caskets containing the remains of Ugandan soldiers who were killed in Somalia this week at a military airbase in Entebbe, September 3, 2015. Twelve Ugandan soldiers who served as African Union peacekeepers were killed when militants attacked their base in Somalia this week, a Ugandan military spokesman said on Thursday. REUTERS/James Akena

