Dowladda Turkiga ayaa dhex dhexaadineysa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland, sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka taagan qaabka doorasho ee sanadkan 2016 dalka ka dhacaya, kadib markii Puntland ay diiday go’aankii dowladda Federaalka bishii Janaayo soo saartay ee ahaa nooca doorasho ee Soomaaliya ka dhacaya sanadkan.
Wafdi uu hogaaminayay Kani Torun oo ahaa Safiirkii hore ee Turkiga ee Soomaaliya ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Turkiga ayaa bilaabay wada hadalo ay la leeyihiin Madaxda Puntland, si ay uga dhaadhiciyaan sidii ay Puntland u aqbali laheyd nidaamka 4.5 ee lagu soo dhisayo dowladda soo socota.
Kani Torun iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa xalay ku hoyday magaalada Garowe, waxaana ilo wareedyo muhiim ah ay sheegayaan in rajo laga qabo in dadaalkan dowladda Turkiga wado uu noqdo mid mira dhalo.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya inuu jiro is faham horu dhac, balse Puntland ayaa dooneysa inay ku bedelato tanaasul ay sameyso arrimo kala duwan oo gor-gortan ah siyaasadeed ah.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey ayaa sheegay in Puntland wali mowqifkeeda waxba iska bedelin, balse ay wali albaabada furan yihiin, isla markaana ay shirar badan socdaan sida uu yiri.
Wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garowe ayaa Madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada kala hadlayay sidii Puntland u aqbali laheyd nidaamka 4.5 ee lagu soo xulay Baarlamaanka soo socda.