Allaha u naxariistee Ugaas cabdiraxmaan ugaas khaliif Ugaas rooble ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Daaro Ugaas ee duleedka Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Aaska Ugaaska ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal shacab ah oo ka kala yimid gudaha dalka iyo dibadiisa kuwaas oo maalmahii la soo dhaafay ku suganaa magalada baladweyne ee Gobolka hiiraan
Kolonyo gaadiid ah oo galbineysay meydka ugaas Cabdiraxmaan ayaa ka baxday magaalada Beledweyne iyagoo si nabad ah ku gaaray deegaanka Halgan, kadibna waxaa loo gudbiyay qabuuraha Daaro Ugaas oo ay ku aasan yihiin inkabadan toban ugaas oo hore u soo martay beesha uu ka soo jeedo ugaaska. Ma jirin cid ka tirsan dowlada Soomaaliya Iyo AMISOM oo ka qeyb qadatay aaska Ugaaska.
Meydka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif ayaa salaadii janaasada waxaa lagula tukaday garoon ku yaal magaalada Beledweyne halkaa oo ay aaska ka qeybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirada,golaha baarlamaanka iyo boqolaal ruux oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibadiisa
Deegaanka Daaro Ugaas ayaa waxaa horay lagu aasay Ugaasyo uu ka mid ahaa Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, waxaana deegaankaas dhaqan ahaan lagu aasaa Ugaasyada Beesha Xawaadle.
Ma jirin wax mas’uuliyiin oo ka tirsan dowladda oo ka qeyb gashay Aaska, inkastoo salaadii janaasada ay kula dukadeen xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Xildhibaano Garoonka Kubadda cagta magaalada Beledweyn.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa axadii la soo dhaafay u geeriyooday xanuun dhinaca wadnaha, Ugaaska ayaa ka mid ahaa Madax dhaqameedyada fara ku tiriska ee aqoonyahanada, waxaa uu kulyada xanaanada xoolaha kaga baxay Jaamacadda Soomaaliya sanadkii 1982.