Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Xabsiga Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga Dowladda Federalka Somalia oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Cadaay, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Ururka AlShabaab ay weerar culus ku qaadeen Xabsiga Magaalada Beladweyne.
Wuxuu sheegay ciidamada Dowladda ee Xabsiga ilaalada ka haayay inay iska caabiyeen Shabaabkii soo weeraray, isaga oo ku nuux-nuuxsaday inay dileen dagaalamayaal ka tirsan Shabaabka.
“Xabsiga ayeey xalay soo weerareen 1:30 habeenimo, weerarkiina wey ku fashilmeen rag badan ayaa looga dilay dhabarkana wey jeediyeen, hadana raadkooda ayaan ku sii daba jirnaa Magaalada waan isagala baxnay, anaga ciidankeena waxba sooma gaarin.” Ayuu yiri Sarkaalkaan oo u waramay Warbaahinta Muqdisho mid ka mid ah
Xabsiga Magaalada Beladweyne ayaa ku yaallo dhanka Qoraxsin Magaalada, gaar ahaan marka lasoo maro Buundada weyn ee Magaalada, Shabaab ayaa halkaasi xalay kasoo weeraray wadada loo yaqaan jidka jaayga oo xabsiga agmarta.
Rasaas culus oo mar qura isqabsatay ayaa laga maqlay Magaalada Beladweyne xalay markii Shabaabka weerarkaan gaadmada ah ay ku qaadeen Xarunta Xabsigaasi.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay wadeen howlgalo ka dhan ah Ururka Al Shabaab oo ka socday Gobolka Hiiraan, iyadoo deegaano badan laga qabsaday Shabaabka.