Sheekh Cali C/laahi (Katiin) oo ka mid ah Saraakiisha Dhinaca Dacwada Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu ka hadlay isbahaysiga uu Talaadadii ku dhawaaqay Sacuudiga, ee loogu talla-galay inay la dagaalamaan ururada argagaxisada.
Isbahaysigan oo ka kooban 34 dal, ayaa waxay Xaruntiisu noqon doontaa Magaalada Riyadh Ee Caasimadda Wadanka Sacuudi Carabiya, halkaasoo uu qorshuhu yahay in laga abaabulo hawlgalada ka dhanka ah argagaxisada.
Sheekh Cali C/laahi, ayaa sheegay inaanu isbahaysigan ugu horayn mid loogu talla-galay in lagula dagaalamo dadka Muslimiinta, balse ay horey u jireen kuwo badan oo Reer Galbeedku ay sameeyeen, sida uu yiri.
Sheekh Cali C/laahi, ayaa yiri “Isbahaysigan ay sameeyeen wadamadan uu Sacuudiga horkacaayo ee Islaamka sheeganaaya, lana dagaalamaaya dadkii Muslimiinta ahaa, isbahaysi ay maanta kow u tahay maaha. Horey ayay isbahaysiyo fara-badan ay u sameeyeen, oo ay ku gacan siinayeen Reer Galbeedka, duulaanka ay ku hayaan dadka Muslimiinta ah.”
“Midkaan ay maanta sameeyeen waxaan hadda lagu sheegaayo dowladaha Carbeed iyo kuwaan kale, ee Islaamka sheeganaaya, horey ayuu Mareykanka uu asagu u abaabushay. Qaar badanoo ka mid ah oo gacantiisa uu ku dhisay, oo kuwaan hadda Masar ka talinaaya ay ka mid yihiin.
“Sacuudiga weligoodba Mareykanka ayaa ku shaqaysanaayay, mabaadii’da iyo dhaqanka gaalada ayay u sabcinayeen. Dadka Muslimiinta ayay dhibaateeyaan oo meelkasta ay ku xir xiraan, kuna laayaan. Nimanka Mujaahidiinta ah Diinta Ilaahay (SWT) in la koryeela u dagaalamaaya, weligoodba cadow bay ku ahaayeen.”
“Isbahaysigan ay hadda samaynayaan oo ay leeyihiin waxaan kula dagaalamaynaa dadka Mujaahidiinta ah, waa mid ay ka soo shaqeeyeen Reer Galbeedka, oo ayagu ay ku raaligelinayaan.”
“Arrinta soo korortay waxaa weeye dadka Muslimiinta inay dareemaan nimankan Khaliijka fadhiya ee shayaadiinta ah, magaca Islaam sheeganaaya ee wadaad xumayaasha ay fatwada ula ag-fadhiyaan, waxa ay yihiin inay ummadu dareemaan, baa soo kordheysaa is leeyahay.”
Waxaa uu sheegay in isbahaysigan loo yegleelay, iyadoo uu fashilmay isbahaysi lixdan wadan ka koobnaa, oo weeraray dalka Ciraaq, ayna isbahaysigaasi ku jireen dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Qatar.
Sheekh Katiin oo la hadlay Radio Al Furqaan, ayaa sheegay inaanu guuleysan doonin isbahaysigan cusub, isla-markaana uu mari doono wadadii ay mareen kuwii kale ee ka horeeyay.