Ururka Al Shabaab ayaa waxa ay ku faaneyn inay ka dambeeyeen dilkii maanta Barqadii Magaalada Muqdisho loogu geystay Ciise Maxamed Bayle oo ka howlgalaayay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ciise Maxamed Bayle, wuxuu Garoonka Muqdisho u fadhiyay Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Somaliya, waxaana maanta Barqadii rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan ay ku toogteen Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir.
War ka soo baxay Ururka Al Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay ciidamada qaabilsan dilalka qorsheysan ee Xubnaha Dowladda u shaqeeya inay beegsadeen Sarkaalkaan ka tirsan Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Somaliya.
Shabaabka waxa ay sheegeen Ciise Maxamed Beyle , xilliga la dilaayay In uu ka degay gaari nooca raaxada ah, kadibna ay beegsadeen rag Shabaab ka tirsan, gaar ahaan qaybta amniyaadka Shabaabka oo rasaas ay la dhaceen.
Shabaab ayaa sidoo kale sheegay Ciise in Magaalada Muqdisho uu ku sugnaa wax ka yar 30 cisho, ayna ku daba joogeen muddo, islamarkaana maanta ay usuuragashay inay dilaan.
Maamulka Degmada Wadajir ayaa sheegay in la baadigoobayo raggii ka dambeeyay dilka Marxuum Ciise Maxamed Beyle, Allaha u naxariistee oo rag Shabaab ka tirsan ay dileen.
Ciise Maxamed, ayaa horay u la soo shaqeeyay Wasaarada Amniga Xukuumadda Somaliya.
Shabaab ayaa beegsada dadka dowladda la shaqeeya, waxaana dilalka ugu badan dhalinyarada Dowladda u shaqeysa loogu geystaa Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinleey.