Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Maqribnimadii caawa ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Magaalada Muqdisho (Villa Somalia).
Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi ay iyagu ka dambeeyen, wuxuuna ku sheegay hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyen Madaxtooyada.
Afhayeenka wuxuu tilmaamay weerarkaasi inuu ka dambeeyay hagardaamo uu sheegay in Muslimiinta loogu soo maleygay Madaxtooyada Somaliya.
“Allaah Fadligii Mujaahidiintu waxay maanta hawlgal qorsheysan ka fuliyen Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo maanta makri hor leh loogu maleegayey Muslimiinta.” Ayuu yiri Afhayeenka.
C/casiis Abuu Muscab oo wareysi siiyay Idaacada Andalus oo afka Al Shabaab ku hadasha, ayaa ku faanay inay weerarkaasi la beegsadeen Masuuliyiin Dowladda Somaliya ka tirsan iyo kuwo kaloo shisheeye, inkastoo aanu sheegin waxa ay isugu jireen xubnahaasi.
Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray Abuu Muscab, ayaa waxaa qaraxaasi ku dhimatay qodobo qof, oo u badan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo dumarka qaadka ku iibiya afaafka hore ee Madaxtooyada. Hal nin oo dalka Turkiga u dhashay, ayaa ka mid ah dadkii ku dhintay qaraxaasi.
Hay’adaha amniga ee Dowladda Somaliya, ayaan ka hadlin qaraxa ay masuuliyadiisu sheegatay Al Shabaab, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federalka Somaliya.