Ururka Al Shabaab ayaa sii daayay Shaqaale caafimaad oo 31-kii Bishii aan soo dhaafnay ka afduubteen duleedka Degmada Dhuusamareeb, xilli shaqaalahan ay la socdeen gaari nooca gurmadka deg deg ah oo ka soo ambabaxay Degmada Dhuusamareeb.
Muddo todobaad ah oo ay ku hayeen Shaqaalahan Degmada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, kadib waxaa suuragashay in la sii daayo, sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Isbitaalka Degmada Dhuusamareeb Dr.Axmed Maxamed Mahdi.
Dadka la sii daayay ayaa ah labo ruux oo mid uu yahay Darawal waday gaariga Ambalaaska ah ee Shabaab ay la hareen, halka ruuxa kalena uu yahay Kalkaaliye Caafimaad oo Isbitaalka Dhuusamareeb ka shaqeynaayay.
Labada ruux ee Shabaabka ay sii daayeen ayaa lagu kala magacaabaa Yaxye oo ka tirsanaa qeybta gargaarka deg dega ee Isbitaalka Dhuusamareeb, iyo darawalkii baabuurka, Cabdikaafi Rooble.
Xilliga falkaan afduubka raggaan uu dhacaayay ayaa waxaa la soo xiriiray rag ka tirsan Shabaab oo isaga dhigay ehelada Haweenay ku foolanaysa Duleedka Degmada Dhuusamareeb, kadibna gaarigii loo diray ee Ambalaasta, Shabaabka ayaa afduubtay gaarigii iyo iyo labadii nin ee la socday.
Agaasimaha Isbitaalka Dhuusamareeb, ma uusan kala saarin dadkaan la sii daayay in Shabaabka iskood ay u soo daayeen iyo in Odayaasha ay kaalin ka qaateen.