Ururka Al Shabaab ayaa dilay nin ay ku sheegeen in uu ahaa Sixiroole, muddo 15 sano ahna uu ku shaqeysanaayay Sixirkaasi, sida uu sheegay Qaadiga Maxkamada Gobolka Hiiraan ee Ururka Al Shabaab.
Toogashadan ayaa waxa ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Show oo ku yaallo duleedka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, waxaana fagaaraha lagu tooganaayay ninkaasi u soo daawasho tagay Boqolaal dadweyne ah.
Ninka Shabaabka ay toogteen ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Cabdi Guuleed da’diisuna waxa ay aheyd 48 sano jir, sida uu cadeeyay Qaadigii xukunka maxkamada ku dhawaaqay.
Shabaabka ayaa sheegay xilliga ninkan ay soo qabanayeen inuu ku guda jiray falka Sixirka ah, waxaana inta badan uu caan ku ahaa sida Shabaabka ay sheegeen inuu sameeyo waxa loogu yeero (Madiido) oo macnaheeda uu yahay labo qof oo isjecel in la kala geeyo, labo qof oo is necebna in la is jecleysiiyo.
Ka sokoow eedeymaha Shabaabka ninkaasi ay u soo jeediyeen ee ay ku toogteen ma jirin cadeymo rasmi ah oo Shabaabka ay soo bandhigen, sidoo kalena maxkamadaha Shabaabka maba laga yaqaan Qareen u dooda qofka eedeysanaha ah.
Xukunada ay ridaan Shabaabka ayaa ah kuwa hal dhinac ah oo qofka eedeysanaha ma helo qof Difaaca, waxaana inta badan lagu ridaa Xukuno Shabaabka ay ugu daliishadaan Kitaabka Qur’aanka.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo Shabaab ay toogasho ku dilaan nin ay ku eedeeyeen inuu ahaa Sixirool.