Maleeshiyo qaab beeleed u abaabulan oo qalab ciidan ka helay Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay maanta weerar kedis ahaa ay ku qaadeen Xoogaga Ururka Al Shabaab, xilli xoolo uruurin ay ka wadeen Deegaanka Godey, oo 40km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Garbahaarey.
Xoolahan oo ay Shabaabku ku sheegeen Zakaawaat, ayaa waxay ka uruurinayen dadka reer Godey, iyagoona ku uruurinaayay xero ay halkaasi ka sameysteen.
Maleeshiyadan, ayaa waxaa u suurtagashay inay la wareegan xoolahaasi, xilli ay laba nin ka dileen Ururka Al Shabaab, intii kalana ay dib kaga guratay Deegaankaasi. Maleeshiyadan oo xiriir la soo sameysay Ciidamada Dowladda ee degan Xarunta Gobolka Gedo, ayaa waxay ku soo wargeliyen inay cagta mariyen Shabaabkii ku sugnaa Godey, isla-markaana ay doonayan gurmad ciidan, xilli ay u sheegeen in xoolaha ay dhinacooda u soo wadaan.
Ciidamada Dowladda ee ku sugan Magaalada Garbahaarey oo gurmad ahaan ugu dhaqaaqay Godey, ayaa waxaa wadada loogu galay Deegaanka Jiir Carab, oo qiyaastii 15km u jirta Garbahaarey. Weerarkaasi waxaa lagu dilay afar ka mid ah Ciidamada Dowladda, oo middi uu yahay Sarkaal lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Ilkacase.
Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan, ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay dib ugu soo laabteen Garbahaarey, markii weerar dhaba-gal oo khasaaro uu ka soo gaaray, ay kala kulmeen Al Shabaab.
Sarkaalkan, ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyada xoolaha ka soo furatay Shabaabka, ay bedeleen wadadii ay markii hore ku soo socdeen, isla-markaana ay soo jeexayan wado kale oo qardo jeex ah, si ay kaga nabadgalaan weerar jid gal ah oo kaga yimaada dhanka Al Shabaab, xilli ay ku soo wajahan yihiin Garbahaarey, sida uu yiri.