Ururka Suxufiyiinta Qaranka Ee NUSOJ, ayaa waxa uu cambaareeyay weerarkii Saxafi Hotel oo uu ku dhintay Wariye Mustaf C/nuur Safaana, sidoo kalana uu ku dhaawacmay Wariye Faysal Cumar.
Wariye Savaana, ayaa ahaa Cameraman ka tirsan Idaacada Shabelle, sidoo kalana waxa uu sawirada uu u diri jiray Telefishinka Caalamiga ah Aljazeera, halka Faysal Cumar uu ahaa Sawirqaade ka tirsan Wakaaladda Wararka Reuters.
Xoghayaha Guud Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan, ayaa cambaareeyay weerarkaasi, isagoo dhanka kalana tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Wariye Savaana, oo noqonaayo Suxufigii saddexaad ee sanadkan lagu dilo Somaliya.
“Waxaan u baroordiiqaynaa weerarka cabsida badan aynu ku weynay Mustaf C/nuur Safaana.” Ayuu yiri Xoghayaha. Waxa kaloo uu yiri “Waxaan direynaa tacsi qoto dheer leh, anagoo qoysaska iyo asxaabtiisa kaga tacsiyadeynayno dhibka ku dhacay Wariyaha.”
Maxamed Ibraahim Pakistan, ayaa qoraal uu soo saaray waxa sidoo kale uu ku yiri “Waxaan jeclaan lahaa in si buuxdo oo deg deg ah uu Faysal Cumar ku soo kabto.”
uxufiyiintan, ayaa gaaray Hotel Saxafi subaxdii Axada, intii uu socday weerarkii ay ku qaadeen dabley ka tirsan mintidiinta Ururka Al Shabaab. Labada Suxufi waxay ku waxyeeloobeen qarax labaad oo gaari loo adeegsaday, oo ka dhacay bannaanka hore ee Hotelka.
Inta badan Suxufiyiinta Somalida oo aan haysan jaakadaha iyo koofiyadaha habka difaaca loo adeegsado, ayaa hadana waxay taggaan jiidaha hore, si ay u soo tebiyaan macluumaad sax ah.
Warbixin ay 9-kii bishii hore ee October soo saartay Hay’adda U Dooda Xuquuqda Suxufiyiinta (CPJ), ayaa waxay ku sheegtay in Somaliya ay noqotay dalka ugu halista badan caalamka ee Suxufiyiintu ka hawlgasho.