Al Shabaab ayaa la sheegayaa inay lasoo baxeen xeelado cusub oo ay ku qoranayaan Ardayda Kenyan-ka ah ee ku biiraya Shabaabka, waxaana sidaasi sheegay Saraakiisha ammaanka Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.
Taliyaha Booliska Xeebta Kenya oo lagu magacaabo Robert Kitur, ayaa sheegay Xoogaga Shabaab inay lasoo baxeen xeelado cusub oo ay Ardayda ku qoranayaan, waxaana uu sheegay Shabaab markii hore dhalinyarada ka qoran jireen Masaajidada, balse hada ay ka qoranayaan Goobaha Iskuulada.
Sarkaalkaan, ayaa sheegay inay sii kordhayaan ardayda la weynaayo Gobolka Xeebta, waxaana badanaa Ardaydaasi ay ku biiraan Ururka Al Shabaab, isaga oo fariin dar daaran ah u diray waalidiinta.
Waxaa uu sheegay in kaliya meesha Al-shabaab ay ka qortaan Ardeyda aysan ahayn Masaajidda laakiin hadda ayuu sheegay in Dugsiyada xitaa ay ka billaabeen ku dhiirro gelinta Ardeyda aragtidooda.
Saraakiisha Booliska ayaa kordhiyay joogitaankooda goobaha muhiimka ah si looga hortago barashada Ardeyda maaddooyinka qaar kuwaas oo uu sheegay in Dugsiyada lagu siiyo Casharro ku dhiirro gelinaya in ay ku biiraan Al-shabaab.
Dowladda Kenya, ayaa horay u sheegtay Ardayda Kenyan-ka ah sideed saacadood ka mid ah waqtigooda maalin waliba inay ku bixiyaan Booqashada Websiteyada lasoo dhigo macluumaadka la xiriira Kooxaha Argagagixisada.
Al Shabaab ayaa waxaa ku jira Dhalinyaro badan oo Kenyan ah, kuwaasi oo hogaamiyah weerarada Kooxda ay ka geysata gudaha dalka Kenya, xilli dhawaan Shabaab ay u Khudbeeyeen Bulshada ku nool Xaafad ka tirsan Degmada Lamu.