Waxaa dib loo furay wadooyinka Magaalada Muqdisho oo muddo lix maalin ah u xirnaa ciidamada ammaanka Dowladda Federalka Somaliya, xilli la sugaayay ammaanka Shirkii IGAD ee shalay ku soo idlaaday Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Booliska, Nabad Suggida iyo Millateriga ayaa gaadiidka dagaalka ka dhex qaaday laamiyada Magaalada gudaheeda oo ay ku go’naayeen, kadib markii amarkaasi ay bixiyeen madaxda Hay’adaha ammaanka Dowladda.
Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa gaadiidka nooca yar yar ee dadweynaha sida gaarka ah u leeyihiin iyo gaadiidka Biel-ka ee rakaabka qaada.
Mid ka mid ah dadka wadada soo maray ayaa sheegay inay dareemayaan nafis badan maalmo ay lugeynaayeen oo daal fara badan ay dareemeen kadib.
Dadka reer Muqdisho ayaa kuu sheegayaa inay dareemeen maalmihii ay xirnaayen wadooyinka Magaalada Muqdisho xaalad cakiran, iyadoo weliba ay aheyd Iid oo dadka dhibaato xoogan ay kala kulmayeen ciidamada ammaanka.
Dhacdooyinkii dhacay maalmaha wadooyinka xirnaayeen waxaa ka mid ahaa in askarta si aanan wanaagsaneyn Bulshada ay ula dhaqmayeen, iyadoo Askari ka tirsan ciidamada Booliska uu dhaawacay Ruux muwaadin ah, kaasi oo isku dayaayay inuu maro wadada Sayidka, hayeeshe jawaab looga dhigay in xabad lagu riday oo lugta uu ka dhaawacmay shalay Subax.
Sidoo kale Isku dhac dhexmaray ciidamada Booliska iyo ciidan Millateriga ka tirsan ayaa ka dhacay Degmada Boondheere shalay galab, taasi oo asal u aheyd Xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho.