Wafdiga ka socday dowladda hoose ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo shalay soo gaaray magaaladda Muqdisho isuguna jiray Mas’uuliyiin iyo Engineero ayaa qiimeyn ku sameeyay qorshaha dib u dhiska wadada 30-ka oo ka mid ah wadooyinka hal-bowlaha u ah magaalada Muqdisho.
Socdaalka qiimeynta wafdigan ay ku tageen wadada sodonka ayaa waxaa ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Iimaan Nuur Iikar, Gudoomiye ku xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka G/Banaadir, iyo xubno kale.
Xunbaha wafdiga ayaa qiimeyn kadib waxaa ay sheegeen in dhowaan ay bilaabi doonaan fulinta balan qaadkii dowladda hoose ee Istanbul ee ahaa inay dhisayaan Wadada 30-ka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhankiisa tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin in balan qaadkii dowlada hoose ee Istanbul inuu bilowdo fulintiisa, isla markaana rajo wanaagsan ay ka qabaan in dhawaan umadda Soomaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir loo dhiso wadada 30-ka, kadib iskaashi dhex mara dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo Istanbul.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay in wixii aan ku wada hadalnay 25-kii Febraayo ee sanadkan iyo hashiiskii aan wada galnay anaga iyo dowlada hoose ee Istanbul inuu maanta bilowdo fulintiisa, waxaa ay noo balan qaadeen in ay dhisi doonaan wadada 30-ka ayna noo soo diri doonaan dhismaha ka hor gudi qiimeen ah, waa alle mahadii maanta waxaa nala jooga gudigii, waxaan u mahadcelinayaa madaxda iyo dowladda hoose Istanbul oo markasta garab taagan Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkan dadaal ugu jiray dib u dhiska lagu sameynayo wadooyinka, waxaana dhowaan dayactir lagu sameeyay wadada isku xirta Isgoyska Zoobe iyo Danwadaagta ee degmada Wadajir.





