Wakiilka IGAD u qaabilsan arimaha dalka Somaliya Maxamed Cabdi Afey, ayaa si cad u sheegay inaysan jirin wax muddo kororsi ah oo ay sameyn karaan Madaxda hada shaqeysa ee Dowladda Federalka Somaliya.
Danjire Afey waxa uu tilmaamay muddo kordhin loo sameeyo Madaxda Dowladda in go’aan ay ka gaartay Beesha caalamka muddo hada laga joogo hal sano, taasina ay tahay Qaraar meel yaallo.
Waxa uu sheegay Qaraarkaasi inuu ahaa in Beesha caalamka iyo shacabka Somaliyed aysan taageerin muddo kororsi ay sameystaan Hay’adaha Dowladda ee hada shaqeeya.
“Arintaasi wax ku darista go’aan waxaa ka gaaray Beesha caalamka Muddo hada sanad laga joogo ayaa laga gaaray waxaa ka gaaray Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Wax IGAD ay gaartay ma’ahan wax aniga Shaqsi ahaan Maxamed aan gaaray ma’ahan waxaa qaraarka uu ahaa go’aankana uu ahaa Beesha caalamka iyo shacabka Somaliyed lama soo dhaweyn doono in Hay’adaha hada dhisan waqti loogu daro.”
Danjire Afey ayaa sidoo kale sheegay inaysan hada muuqan sabab keeni karta in Madaxda Dowladda ay sameystaan Waqti kordhin maadaama horay ay u haysteen waqti hadana ay haystaan waqti kale.
“Si ay ugu darsan karaana iima muuqato, maadaama Qaraarka uu yaallo, Wax daruuri ah oo deg deg ah oo hada suurtagalin kara in lagu daro ma jirto waqti ayeey haystaan waqti horaan bay haysteen, hadeey tallada u fadhiyaan markaa wax sabab ah oo keeni karta inay waqti lagu kordhiyo, maadaama Qaraarkii United Nation uu yaallo hade Beesha caalamka, waxa ay noqonaysaa in isbedel rasmi ah oo qaraarkaasi qaraar kale la soo saaro, maadaama hada ay inoo muuqato Doorasho qof iyo cod inaan la qaban karin, laakiin Qaraarka noo yaallo waxaa waaye waqti laguma dari karo.” Ayuu yiri Danjire Maxamed Cabdi Afey oo la hadlay Golaha Siyaasada 88 oo qurbaha ka dhisan.
Hadalka Danjire Maxamed Cabdi Afey waxa uu meesha ka saaraya wararka la xiriira in Madaxda Somalida ay doonayaan inay waqti kordhin sameystaan, xilli shirka ka socda Magaalada Kismaayo weli la isku mari la’yahay.