Wakiilka Jose Mourinho ayaa ku tulmaamay warqada la sheegay in tababarihii hore ee Chelsea uu u qoray Manchester United oo uu ku dalbanayo inuu noqdo tababaraah xiga ee kooxda Old Trafford ka dhisan wax lagu qoslo oo aan macquul aheyn.
Jariirada The Independent ayaa maanta oo axad ah qortay in Mourinho uu warqad lix bog ka kooban u qoray Manchester United isagoo ku sharxaya sababta uu u yahay ninka ku haboon inuu bedelo Louis van Gaal marka uu kooxda ka bedelo.
Cadaadiska ayaa ku sii kordhaya Van Gaal ka dib markii United ay shalayto guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay Southampton, taasoo keentay inay shan dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Tottenham.
United ayaan weli wax jawaab ah ka bixinin sheekadaan laakiin Jorge Mendes oo wakiil u ah Jose Mourinho ayaa saaka soo saaray warbixin uu ku beeninayo sheekada ay qortay The Independent.
Waxa uu ku qoray www.gestifute.com: “Ma dhacdo in tababare sida Jose Mourinho ah inuu warqad u qoro kooxo kale oo uu ka dalbado shaqo.
“Gabi ahaanba waa wax lagu qoslo, waana wax aan macquul aheyn marnaba.”
Mourinho ayaa ka tagay Stamford Bridhe bishii December ka dib markii ay si xun ku bilowdeen difaacashada koobka Premier League.
Sida warbixinta The Independent lagu sheegay, Mourinho ayaa kaga hadlay qaab ciyaareedka uu Old Trafford keeni doono iyo waxa uu ka aaminsan yahay ciyaartoyda haatan iyo ciyaartoyda laga yaabo inuu kooxda u soo iibiyo.