Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, Diyaarad ka duushay Garoonka ayaa dab uu ka kacay xilli hawada ay ku jirtay, waxaana taasi ay keentay in Diyaaradii si deg deg ah ugu soo noqoto isla Garoonka.
Diyaaradan oo ay leedahay Shirkada Diyaaradaha Daallo ayaa ku sii jeeday dalka Jabuuti, balse qiyaastii markii ay hawada ku jirtay muddo 20 daqiiqo ah, ayaa la sheegay kadib inay dib ugu soo laabatay Garoonka Aadan Cadde, iyadoo dhinac ka gubanaysa.
Qof ku sugan Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu arkaayay garab ka mid ah Garabyada Diyaarada daaqad u dhaw oo qiiq uu ka baxaayo, balse uusan sifeyn karin waxa uu yahay Qiiqaasi.
Hal ruux ayaa la sheegayaa inuu ku dhaawacmay dab ka kacay Diyaarada gudaheeda, inkastoo warar faah-faahsan aanan laga helin waxa sababay Dabkaasi Diyaarada ka kacay.
Gaadiidka Dab Damiska ee ku diyaarsan Garoonka Muqdisho, ayaa durba u gurmaday Diyaarada Daallo, iyadoo rakaabkii saarnaa laga soo dejiyay.
Maamulka Shirkada Daallo iyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho weli kama aysan hadlin dabkaan la sheegay in Diyaarada Daallo uu ka kacay.