Nala soo xiriir

Wararka

War-Murtiyeed Lagu Cadeeyay Jadwalka Doorashooyinka dalka oo laga soo saaray Shirkii Baydhabo

La Qoray

on

Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay magaalada Baydhabo 22-25 Juun 2016. Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte,Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mahad celin iyo ammaan u jeedinayaan shacabka iyo Dowladda Koonfur Galbeed soo dhoweynta iyo marti-gelinta shirka Madasha Qaran.

2. Madashu waxay dib-u-eegis ku sameysay xubnaha iyo qaab-dhismeedka Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee 2016.

3. Waxay mar labaad ku celisay in la sameeyo khariidad-siyaasadeed qeexan oo 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.

4. Madashu waxay mar kale ku celisay in ay ka go’an tahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee dumarka iyo metelaaddooda. Sidoo kale, Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka dumarka iyo metelaaddooda. Madashu waxay soo dhawaynaysaa howlaha guddiga heerka qaran ee u ololeynaya taabba-gelinta iyo xaqiijinta in la gaaro qoondada loo xaddiday dumarka Soomaaliyeed (30%).

5. Waxay dhammaystireen, saxiixeenna liiska rasmiga ah ee Odayaasha Dhaqanka 135-ka ah ee doorashada 2016.

6. Madashu waxay magacawday guddi ka soo talo bixiya metelaadda iyo maqaamka caasimadda Muqdisho/Gobolka Banaadir. Guddigu wuxuu ka kooban yahay 19 xubnood oo shan ka mid ah ay soo magacawday Dowladda Federaalka, halka dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ay soo magacaabeen min laba xubnood. Guddigu wuxuu talo bixintiisa soo gudbinayaa 17ka Luulyo 2016.

7. Madashu waxay isku raacday miisaaniyad faahfaahsan iyo jadwal howleed waqtiyeysan oo suurta gelinaya in doorashadu ku qabsoonto waqtigii loogu tala galay.

8. Madashu waxay kaloo isku raacday in doorashada 2016 ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee beelaha deggan Somaliland ay yeelato hannaan gaar ah. Si taas loo hirgeliyo, Madashu waxay isku raacday in loo saaro guddiyo ka soo shaqeeya hannaanka loo marayo hirgelinta doorashada xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee beelaha deggan Somaliland.

9. Madashu waxay isku raacday in laba xubnood oo dheeri ah loogu daro Aqalka Sare beesha Reer Banaadiriga.

10. Madashu waxay ansixisay qaab-dhismeedka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed si waafaqsan nidaamka federaalka.

11. Madashu waxay dib-u-eegis ku sameysay shaxda Golaha Shacabka, waxayna saddex kursi oo beesha Harti/Daarood iyo hal kursi oo beesha Madaluug/Dir u wareejisay Jubbaland.

12. Waxay ku heshiisay in shirkeeda soo socda lagu qabto caasimadda Muqdisho 17-20ka bisha Luulyo 2016.

13. Waxay uga mahad celineysaa saaxiibada beesha caalamka sida ay ugu heellan yihiin in ay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hannaanka doorashada 2016, waxayna ku boorrinaysaa ka mira-dhalinta iyo oofinta balanqaadkoodii taageero ee dhaqaale.

***DHAMMAAD***

Warmurtiyeed-NLF-22-25-Juun-2016-Baydhabo-FINAL (1)

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Dadka Ku Dhaqan Guriceel Oo Maanta Bilaaway Inay Ka Barakacaan.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Waxaa barakac xoogan uu Maanta ka socdaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlusunna.

Dadka ayaa waxaa ay siweyn uga barakacayaan Xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel iyo Tawakal, waxaana Ciidamada Ahlusunna ay difaacyo ka sameysteen Gudaha iyo daafaha Magaalada.

Barakacaan Maanta ka billowday degmada Guriceel ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku dhawaadeen degmada Guriceel, isla markaana ay fariisin ka sameysteen degaanka Ceeldheere.

Xaaladda degmada Guriceel ayaa Maanta ka duwan sidii hore, waxaana qaar kamid ah Bulshada ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

sii aqri

Wararka

Soomaaliya iyo Serbia Oo Kawada Hadlay Sidii Loo Hormarin Lahaa Ganacsiga.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khalif Cabdi Cumar, oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay caasimadda Belgrade ee dalka Serbia, ayaa maanta la kulmay dhiggiisa Wasiirka Ganacsiga, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta ee dalkaasi Ms. Tatjana Matic oo ay ka wada-hadleen iskaashiga laba dal. gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga iyo Maal-gashiga.

Labada Wasiir, waxaa ay is-waydaarsadeen fursadaha Maal-gashi ee ka jira labada dhinac iyo siddii wax-soo-saarka Soomaaliya looggu dhoofin lahaa dalka Serbia

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha oo dalka Serbia kaga qeyb-galay shirkii xuska sanad guurada 60-aad dhaq-dhaqaaqa dawladaha dhex-dhexaadka ka ah isbahaysiyada kale ee ka jira caalamka, ayaa shalay khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey shirkaasi oo khusaysay iskaashiga dawladaha, dhaqaalaha, ganacsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.

 

sii aqri

Wararka

Ciidamada Dawlada Oo Dhaqdhaqaaq Kawada Duleedka Guriceel.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Waxaa degaano hoostaga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ka socda dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, kuwaas oo ku wajahan degmada Guriceel.

Todobaadkii labaad ayaa waxaa degmada Guriceel ku sugan Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca, kuwaas oo difaacyo adag ka sameystay gudaha iyo daafaha maagalada si ay isaga difaacaan hadii uu weerar kaga yimaado dhinaca Dowladda Soomaaliya & Galmudug.

Wararka naga soo gaaraya degmada Guriceel ayaa waxaa ay sheegayan in saaka ilaa xalay dadkii ugu badnaa ay ka barakaceen degmada Guricrel, iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo.

Xaalada degmada Guriceel ee Gobolka  Galgaduud ayaan caga badan ku taagneyn, waxaana dhowr jeer digniin laga muujiyay in Ciidamada dowladda iho kuwa Galmudug inay weeraraan degmadaas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Ahlusunna.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka3 days ago

Dadka Ku Dhaqan Guriceel Oo Maanta Bilaaway Inay Ka Barakacaan.

Wararka4 days ago

Soomaaliya iyo Serbia Oo Kawada Hadlay Sidii Loo Hormarin Lahaa Ganacsiga.

Wararka4 days ago

Ciidamada Dawlada Oo Dhaqdhaqaaq Kawada Duleedka Guriceel.

Wararka6 days ago

Maxkamadda ICJ Oo Maanta Go’aan ka Gaareysa Dacwadda Badda Ee Somalia & Kenya.

Wararka6 days ago

Ciidanka Dawlada Iyo Galmudug Oo Gaaray Ceel-dheere.

Wararka6 days ago

RW xukuumada somalia oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta Calanka

Warbixinada6 days ago

Warbixin :maalinta calanka 12 october

Wararka2 weeks ago

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia oo Warqadaha aqoonsiga laga guddoomay

Wararka2 weeks ago

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in ay jiraan dad u dhintay Cudurka COVID-19

Wararka2 weeks ago

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday degaan ka tirsan Gobolka Gedo

Wararka2 weeks ago

Alshabaab Oo Dad Ku Toogtay Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka2 weeks ago

Kooxo Hubeysan Oo Dad Ku Dilay Magaalada Muqdisho.

Wararka2 weeks ago

Qarax Xalay Ka Dhacay Magaalada Jowhar.

Wararka2 weeks ago

Duqa Muqdisho Oo Kulan Laqaatay Amb. Mehmet Yilmaz.

Wararka2 weeks ago

Madaxweyne Laftagareen Oo Wadatashiyo Ka Wado Magaalada Baraawe.

Wararka2 weeks ago

Rooble iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo U Dhoofay Magaalada Doha.

Wararka2 weeks ago

Wasaarada Waxbarashada Oo Ka Jawaabtay Cabashadii Macalimiinta Ka Timid.

Wararka2 weeks ago

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Maalada Addis Ababa.

Wararka2 weeks ago

Dawlada Soomaaliya Oo Ciidamo Geysay Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka2 weeks ago

Wararkii ugu Danbeeyey Ee Xaalada Deegaanada Galmudug.

Wararka2 weeks ago

Maxamed Xasan Cirro Oo Ka Hadlay Qabashada Doorashada Golaha Shacabka.

Wararka2 weeks ago

Rooble iyo Wafdi Uu Hogaaminaayo Oo Gaarey Magaaalada Baraawe.

Wararka2 weeks ago

Rooble Oo Ku Wajahan Degmada Baraawe Ee Gobalka Shabeelada Hoose.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco