Golaha hagaajinta siyaasadda Banaadiriga BPRC. waxa uu ka xunyahay xarig aan sabab lahayn ee gudoomiye-ku-xigeenka golaha, Cumar Sharif Jeeg, oo habeenkii labaad xabsi ku jira, kadib markii uu ka qeybgalay bannaanbax nabadeed oo ka dhacay degmada Xamarweyne.
Cumar Sharif Jeeg, ayaa la xeray waxyar uun kadib markii uu ka qeybgalay isu-soobax nabadeed oo uu soo abaabulay Golaha qaabeynta siyaasadda Banaadiriga BPRC, si ay bulshada Banaadiriga u muujiyaan walaaca ay ka qabaan liididda lagu sameeyay ee awood-qeybsiga aqalka sare iyo ka-qeybgalka shirka heerka sare ee Istanbul.
Gudoomiye-ku-xigeenka golaha ayaa waxaa xeray ciidamada hay’adda sirdoonka iyo amaanka qaranka ee NISA, laanteeda laanteeda degmada Xamarweyne.
taliyaha laantaas Xmarweyne ee NISA ayaa ku andacooday in taliska gobolka ee hay’addaasi uu soo amray xarigga mas’uulkan.
“Waa xarig sharci-darro ah oo laga argagxo naguna kallifeyso inaan aamusno oo aan ka hadlin dareenkeenna mustaqabalka bulshada Banaadiriga, waa arrin aan la aqbali karin waanan canbaareyneynaa” ayuu yiri Ludfi Maxamed Cumar, gudoomiyaha Golaha hagaajinta siyaasadda Banaadiriga BPRC.
“waxaan nahay bulsho nabadeed, kaliya waxaan dareenkeenna ku muujinay bannaanbax nabadeed, waxaan dooneynaa inaan helno xaq aan ku muujinno dareenkeenna, waa la ina liidaa, hadana waxaa la inagu dulmiyay inaan muujinno dareenkeenna” ayuu yiri.
“xalay ma saeexan gurigeyga NISA ayaa i raadineysa, ma aqaanno sababta ay u doonayaan inay i xeraan, waxaa ugu baaqayaa NISA iyo wasaaradda amniga gudaha Somaliya inay naga joojiyaan cabsi-gelinta maxaa yeelay waxaa nahay bulsho aan hubeysneyn” ayuu hadakiisa ku daray.
“waxaan ka codsaneynaa NISA inay si shuruud la’aan ah ku sii daayaan Cumar Shariif, cadeeyaanna sababta xariggiisa iyo cidda amartay.”
“waxaan ka codsaneynaa deeq-bixiyeyaasha caalamka gaar ahaan UN, UK, USA, EU, iyo sidoo kale IGAD, LAS, AU iyo dowladaha Sweden, Italy, Denmark, Norway iyo Germany, inay ku cadaadiyaan dowladda Somaliya sii deynta Cumar Shariif Jeeg joojisana cago-jugleynta ka dhanka ahj hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee bulshada Banaadiriga.
Xaqeenna u dhaqadhaqaaqidda siyaasadda iyo madaxbannaanida hadalkaba waa xuquuq dastuuri ah taasoo aan dooneyno inaan u soo bandhigno qaab nabadadeed.