War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay wada xaajoodkii Kismaayo ee Hogaamiyeyaasha Madasha wada tashiga qaran, kaasoo natiijo la’aan ku soo dhamaaday.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamad Sh. Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiirro ka tirsan Xukuumadda Fedaraalka ah iyo Xildhibaano Baarlamaanka Federaalka ka tirsan, wasiiro iyo xildhibaano ka socda dowlad goboleedyada iyo guddiyada hawlwadeenada iyo farsamada.
Kulankan oo dhacay 10-14 ayaa waxaa uu daba socday baaqii Muqdisho ee 16 Diseember 2015 ka soo baxay kulankii madasha wadatashiga Qaranka ee labaad.
“Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad gobolleedyadu waxay dadaal dheer u galeen ka mira dhalinta wada xaajoodka Kismaayo, ee xulashada qaab doorasho oo la dhaqan gelin karo 2016-ka, iyo qorshaha meelmarinta hab doorasho. Waxaay si qoto dheer uga wada hadleen sidii ay isugu waafaqi lahaayeen qaab doorasho oo wadar ogol ah, kaa soo waafaqsan Baaqii Muqdisho”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Inkastoo aan qoraalka lagu soo bandhigin heshiis Madaxda ka gaareen qodobadii adkaa iyo qaab doorasho oo dalka ka dhacda ayaa hadana waxaa la qeexay in Madaxdu ku faraxsan yihiin tallaabooyinka wax ku ool ah oo la qaaday iyo jawigii wanaagsanaa ee wada hadaladu ku qabsoomeen.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Madaxdu isla meel dhigeen, waxyaabaha xaga farsadama la xiriira ee harsana, waxaana lagu dhamayn doonaa kulanka ay martigelin doonto dowlada Fedaraalka Soomaaliya oo dhowaan la qaban doono.
Ugu dambeyn Madaxda kala duwan iyo ergada madashu waxay si gaar ah oo aan la soo koobi Karin ugu mahad celinayaan dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabka ee sida wanaagsan ee gobanimada leh u martigeliyey ergooyinkii madasha.
Lama sheegin waqtiga la isku soo laaban doono iyo halka shirka soo socda lagu qaban doono, balse waxaa muuqata in Madaxda aanay wax go’aan oo kama dambeys ah gaarin, isla markaana ay wali ku kala tagsan yihiin kala fikir duwanaanshaha ay qabaan.