Connect with us

Wararka

warar dheeraad ihi ka soo baxayan diyaaraddii maanta ku dhacday Deegaanka Cumar Beere

Published

on

Waxay warar dheeraad ihi ka soo baxayan diyaaraddii maanta ku dhacday Deegaanka Cumar Beere, oo qiyaastii 10km dhinaca galbeed kaga beegan Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Deegaankan, ayaa wuxuu ku yaallaa inta u dhaxeyso Afgooye iyo Toora Toorow, gaar ahaan wuxuu ku dhowyahay dhinaca Toora Toorow, oo Ururka Al Shabaab uu si buuxdo kaga arrimiyo.

Xoogaga Ururka Al Shabaab oo isku gadaamay diyaaradan oo nooceedu uu ahaa Daniel 300f, ayaa waxay diyaaradaasi kala deggeen tiro dad ah. Wararka qaar waxay sheegayan in dadka lagala degay diyaaraddu ay tiradoodu ahayd 9 qof, halka warar kalana ay sheegayan in 12 ruux ay aheyd.

Diyaaradda Daniel 300f waxay ka soo amba baxday Magaalada Nairobi, iyadoona ku sii jeeday Garoonka Balli-doogle, oo saldhig military oo qarsoodi ah uu ku lee yahay Militariga Mareykanka. Soo dhicista diyaaraddu ayaa la sheegay inay ka dhalatay roobab xoogan, oo ka da’aayay inta u dhaxeyso Afgooye iyo Toora Toorow.

Diyaaradan waxaa la xaqiijiyay inay la socdeen Saraakiil Mareykanka u dhashay, waxaa kaloo soo baxaaya in tiro haween ihi ay saarnaayen diyaaradaasi, inkastoo aanay jirin cid weli arrintaasi xaqiijisay. Wararka waxay intaa ku darayaan in laba nin oo Soomaali ihi ay ka mid yihiin dadkii saarnaa diyaaradda.

C/laahi Xasan Cabdi, Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Afgooye, ayaa xaqiijiyay in Shabaabku ay awood u yeesheen inay si buuxdo ula wareegaan gacan ku haynta diyaaradaasi, sababtoo ah buu yiri iyagaa meesha joogga.

Diyaaradaha ay adeegsadaan Saraakiisha Mareykanka ee degan Garoonka Balli-doogle, ayaa waxaa adag in la ogaado kolka ay dalka soo gelayaan iyo marka ay ka amba baxayaanba.

Taliyaha Ciidanka Cirka Somaliya, Maxamuud Sheekh Cali (Dable Baylood) oo Axadii kormeer ku tagey Garoonka Balli-doogle, ayaa sheegay in hay’ado gaar ihi ay dhismayaal ka wadaan Garoonkaasi, xilli sida uu sheegay aanay ka warqabin Dowladda.

Taliyaha, ayaa hay’adahaasi ugu yeeray inay ilaaliyaan sumcadda Ciidanka Cirka Somaliya, oo iyagu degan Balli-doogle, cid kasta oo dhismayaal sharci darro ihi ka wadana ay sharciga la tiigsanayan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Xuseen Shiine, ayaa caawa sheegay in uu jiri doono gurmad loo fidinaayo dadkii, ay gacanta ku dhigeen Xoogaga Al Shabaab, saacadaha soo socda.

Afhayeenka wuxuu Warbaahinta u sheegay in isla maantaba ay u gurmad lahaayen dadkaasi, hase ahaatee ay roobab xoogani ka da’een Deegaanka Cumar Beere, taasoo sida uu sheegay u diiday inay gaaraan Deegaankaasi.

Xukuumadaha Muqdisho iyo Washington, ayaan weli wax war ah ka soo saarin diyaaradda ku dhacday duleedka Degmada Afgooye iyo dadkii saarnaa, oo Shabaabku ay u kaxeysteen dhinaca Toora Toorow

Continue Reading

Wararka

Midowga Yurub Oo Mashaariic Ka Fulinayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Published

on

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa Xarunta Midowga Yurub ee Magaalada Muqdisho kula kulmay Masuliyiin Sare oo ka tirsan Midowga Yurub oo Boqasho ku yimid Soomaaliya.

Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Agaasimaha Siyaasadda Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Peter Wagner ayaa waxay ka wada hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa mashaariicda Midowga Yurub ka fuliyo Galmudug, sida mashruucyada DEEGAN BILE, ILED iyo kuwa cusub oo la bilaabi doono dhawaan.

Kulankaan waxaa soo qabanqabiyay masuliyiin ka socotay hey’adda Socdaalka Addunka ee IOM oo ayadu shaqo muhiim ah ka haysa guud ahaan deegaanada Galmudug.

Dhanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa kulanka qayb ka galay Wasiirka Wasaarada  Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Wasiir ku xigeenka Bay’ada iyo Isbadalka Cimilada, Masuliyiin kala matalaysay Wasaarada Haweenka iyo xuququl insaanka iyo Wasaarada Xanaanada Xolaha.

Continue Reading

Wararka

Degmada Dooloow Oo Lagu Qabtay Shir looga Hadlayay Amniga.

Published

on

Gudoomiyaha degmada Doolow ee Gobolka Gedo Maxamed Xuseen   Cabdi lafeey ayaa shir gudoomiyay shirka amniga Degmada Doolow iyo deegaanada hoos-yiimaada.

Shirka amniga looga hadlayay waxaa ka qeybgalay maamulka Deg. Doolow, laamaha amniga iyo Guddi xafadeedyada, inta uu socda shirka waxaa diradda lagu saaray adkeynta amniga iyo wadda-shaqeynta laamaha amniga.

Gudoomiye Mohamed Hussein Abdi lafeey ayaa boggaadiyey shaqadda amniga & wadda-shaqeynta maamulka Degmada doolow, sido kale Gudoomiyaha wuxuu laamaha amniga ku amray in la xoojiya amniga Degmada oo wadda-shaqeynta dhaw lala yeesho shacabka Degmada.

Taliye Mohamed hassan Buulle “Sanbuur” ayaa sido kale loo magacabay isku-duwaha amniga Degmada Doolow oo isku xiri doona xafiiska Gudoomiyaha iyo laamaha amniga.

Continue Reading

Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Tacsiyeeyey Geerida Xildhibaan Seysey.

Published

on

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seysey.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Maxamuud Maxamed uu door weyn ka soo qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, madaama uu muddo dheer ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Shacabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyees ee uu ka geeriyooday.

Marxuum Maxamuud Maxamed Seysey ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuusanayay magaalada Muqdisho, isagoo xanuunkii haayay  uu u geeriyooday, Waxaana Lagu Aasay Qabuuro ku yaalla Muqdisho.

Continue Reading
Advertisement Starfmsomalia
Wararka2 weeks ago

Midowga Yurub Oo Mashaariic Ka Fulinayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wararka2 weeks ago

Degmada Dooloow Oo Lagu Qabtay Shir looga Hadlayay Amniga.

Wararka2 weeks ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Tacsiyeeyey Geerida Xildhibaan Seysey.

Wararka2 weeks ago

Magaalada Laas-Caanood Saakay Madaafiic iyo Dagaal Culus Oo Halkaas Ka Soconayo

Barnaamijyo Maalinle3 weeks ago

Barnaamij Looga hadlayey Hormarinta Haweenka Soomaliyeed.

Barnaamijyo Isbuucle3 weeks ago

Barnaamij Gaar ah oo Ku aadan Wacyigelinta Haweenka.

Wararka3 months ago

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Muqdisho Ka Furmay.

Wararka3 months ago

Dagaal Dhexmaray Ciidamada ATMIS & Al-Shabaab.

Wararka3 months ago

Ciidanka Booliska Oo Qabtay Wiil Kamid Ahaa Rag Tacadi U Geystay Gabar Dhalinyara Ah.

Wararka3 months ago

Ciidamada Galmudug oo xiray Odayaashii heshiiska la galay Al-Shabaab

Wararka3 months ago

Madaxweynaha Galmudug oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Wararka3 months ago

Axmed Madoobe & Wasiirka Difaaca Kenya Oo Ka Shiray Bilaabida Howlgalo Ka Dhan Ah Alshabaab.

Wararka3 months ago

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo War kasoo saaray shaqaaqadii Baydhabo & baaqna diray

Wararka3 months ago

Dowladda Oo Madaxda Liibiya Kala Hadashay Dib U Soo Celinta Muhaajiriinta Soomaalida.

Wararka3 months ago

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-Gareen Oo Magacaabay Wasiiro Cusub (Wareegto)

Wararka4 months ago

Bannaanbaxayasha iyo Milateriga Sudan oo Heshiis Gaaray.

Wararka4 months ago

Midowga Afrika Oo Ka Hadlay La Wareegista Degmada Aadan Yabaal

Wararka4 months ago

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Jabuuti Ku Wajahan

News In English4 months ago

President Hassan Sheikh urges parliament to expedite bills to enhance al-Shabab fight

News In English4 months ago

Puntland State Leader Expected To Arrive In Mogadishu Today

Wararka4 months ago

Dowladda Norway Oo Dowladda Somalia Ugu Deeqday Lacag Dhan $30 Milyan Oo Dollar

Wararka4 months ago

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan Laqaatay WasiirAnne Beathe Tvinnereim.

Wararka4 months ago

Xukun lagu riday Askarigii Isbaaro kutaalla Balcad kudilay Darawalka

Dhegeysi7 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka7 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi7 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Wararka7 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka6 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka7 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Dhegeysi2 years ago

Wararka7 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi7 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

News In English6 months ago

Somalia’s President defends his PhD thesis at UPEACE as the University’s program is praised at the UNGA77th Session in New York and UPEACE 34th Council meeting in Geneva.

Wararka5 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka7 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka5 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English7 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English8 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Muuqaalo8 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

Wararka5 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

News In English5 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English7 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English5 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Wararka5 years ago

Nin Soomaali ah oo weerar mindi loo adeegsaday ka geystay masaajid ku yaal Cape Town

News In English5 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada5 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Daalaco