Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe iyo Maamulka Galmudug ee Fadhigiisa uu yahay Magaalada Cadaado, ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay ciidamo ku kala daabuleen deegaanka Mareer guur ee Gobolka Galgaduud.
Deegaanka Mareer guur waxaa ku sugan ciidamada Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe, halka meel aanan ka fogeyn Magaalada ay joogaan ciidamada Maamulka Galmudug.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay dareemayaan cabsi la xiriirta dagaal culus inuu ka dhaco deegaanka Mareer guur oo dadka intooda badan waa ay isaga barakaceen magaalada si dushooda aanan loogu dagaalamin oo khasaaro uusan kasoo gaarin.
Qof ka mid ah dadka deegaanka Mareer guur, ayaa sheegay dadkii shacabka ahaa ee Magaalada deganaa inay ka barakaceen, wuxuuna intaasi hadalkiisa raaciyay labada dhinac ee halkaasi isku hor fadhida inay wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan.
Waxaa suuragal ah waqti waliba labada dhinac ay inay fooda isdaraan ama ay dagaalamaan, maadaama aysan jirin cid ku kala dhex jirta oo dhex-dhexaadinaysa, inkastoo ciidamadan ka soo kala jeeda labada Maamul ay siyaasada ku kala fog yihiin.
Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe weli kama aysan hadlin xiisadahaan iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka jira deegaanka Mareer guur ee Gobolka Galgaduud, xilli horay ay ugu wada dagaalameen Magaalada Caabudwaaq ciidamo kala taageersan Galmudug iyo Maamulka Ahlu Sunna.
Ahlu Sunna ayaa gabi ahaanba diidan jiritaanka Maamulka curdunka ah ee Galmudug, halka Galmudug ay wada hadal in muddo ah ugu baaqeysay garabka Ahlu Sunna ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Dhuusamareeb.