Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Jubadda hoose, dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada Shabaabka iyo ciidanka Kenya ayaa ka dhacay deegaanka Qooqaani oo ka tirsan Gobolka Jubadda hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Shabaabka xalay saqdii dhexe ay weerar culus ku qaadeen Saldhig ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaankaasi.
Mar qura ayaa waxaa is qabsaday dhawaqa rasaas dhinacyada ay isweydaarsanayeen, waxaana la sheegay dagaalka inuu socday in ka badan 40 daqiiqo oo dhinacyada ay si adag u dagaalamayeen.
Ciidamada Kenya ayaa fariisamahooda ka ridaayay qoryaha culus oo si aad ah looga maqlaayay deeganka Qooqaani, taasi oo argagax ku abuurtay Bulshada deegaanka oo hurdadii kaga soo baraarugay rasaas dhaceysa.
Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay dagaalkaasi, hayeeshe weli si rasmi ah looma oga inta uu la eeg yahay Khasaaraha dagaalka ka dhashay.
Saraakiisha Jubbaland iyo kuwa Shabaabka intuba kama aysan hadlin dagaalkaan culus ee xalay saqdii dhexe ciidamada Shabaabka iyo kuwa ciidanka Huwanta ku dhexmaray deegaanka Qooqaani.
Xaalada deegaanka Qooqaani ayaa saaka degan, dadka waxa ay hadal hayaan rasaastii iyo jugtii cusleyd ee xalay ay maqlayeen.