Nala soo xiriir

Wararka

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka Madasha Wada-tashiga qaran

La Qoray

on

Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa maalintii 3aad galay, iyadoo la isku mari la’yahay qodobo ka mid ah kuwa looga hadlayo shirka.

Shirkii Madasha oo xalay la isla gaaray waqti dambe ayaa wali la isku afgaran go’aamada laga soo saarayo, waxaana taagan qodobo wali aan xal laga gaarin, gelinka hore ee maanta ayaa lagu wadaa in mar kale Madaxda isugu yimaadaan shir kale.

Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa warbixin dheer laga dhageystay shirkii shalay, iyagoo faah faahiyay qaabka loo xaliyay 13 kursi oo ka mid ahaa 24 kursi oo horay Beesha Caalamka loo gudbiyay inay ahaayeen kuwo dacwadaha iyo cabashada laga keenay.

Madaxda Madasha iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa isku maandhaafsan sida laga yeelayo 11-ka kursi ee Guddiga doorashooyinka uu dhowaan laalay, iyadoo Madaxda maamul goboleedyada ay dalbanayaan in sidooda loo daayo, maadaama ay raalli ka yihiin.

Arrinta ugu weyn ee Beesha Caalamka ku dhegan yihiin ayaa ah in loo daayo labo kiis oo xubnaha la heysto ah, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in kiisaskaas ay ka mid yihiin dacwada Wasiirkii Dhalinyarada Maxamed Xasan Nuux oo natiijadiisa doorashada ay lalaeen Guddiga xalinta khilaafaadka iyo mid kale oo ah kiiska C/qaadir Gaafow oo la dhashay Taliyaha Nabadsugida Jen. Gaafow oo ka mid ah kuraasta lagu doortay Cadaado ee muranka iyo shakiga la geliyay qaabkii ay ku soo baxeen.

Labadan ayaa ah kuwa ay ku dhegan yihiin Beesha Caalamka oo ay doonayaan inuu noqdo kuwo xal kama dambeys laga gaaro, maadaama lagu tilmaamay inay yihiin kiisaskii ugu cuslaa ee ka dhacay Cadaado iyo Jowhar.

Sidoo kale qodobka kale ee la isku haayo ayaa waxaa uu yahay xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland, iyadoo Puntland ay doodeyso in xubno laga siiyo, gaar ahaan labada xubnood ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag.

Waxaa kaloo qodobka kale ee wali xalka laga gaarin ayaa ah waqtiga ay dhaceyso doorashada, maadaama dib u dhacyo badan ay jiraan, lagana yaabo in waqtigii horay loo qabtay mar kale dib u dhac rasmi ah uu ku yimaado.

Beesha Caalamka ayaa dooneysa in la cadeeyo waqti rasmi ah oo ku dhacda doorashada, hadii xitaa ay gaarto sanadka cusub ee 2017.

Madaxda Madasha ayaa qaarkood soo jeediyay in loo daayo waqtiga doorashada Baarlamaanka cusub, isla markaana marka uu fariisto u saaro Guddi doorashooyin ah, isla markaana soo saaro shuruudihii musharaxiinta iyo waqtiga doorashada dhaceyso.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shirka ka qeyb galeyn, halka Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed, Puntland iyo Hirshabeelle ay goob joog yihiin, sidoo kale Madaxda dowladda ayaa iyana shirka xaadir ku ah.

Si kastaba ha ahaatee shirka oo ku qorsheysnaa labo maalin ayaa maalin dheeraad ah qaatay, waxaana dhici karta in hadii aan qodobada qaar xal deg deg laga gaarin inuu sii daba dheeraado.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Ra’isul Wasaaraha Dalka Suudaan Oo Xabsi Guri la Geliyey.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Ra’isul wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa xabsi guri la geliyay saaka oo Isniin, sida uu baahiyay TV Alxadath ee dalkaas.

Askarta ka tirsan ciidanka dalka Suudaan ayaa isku gedaamay hoyga Ra’isul wasaaraha, arrintan ayaa daba socota xariga saraakiil dowladda ka tirsan oo ay xir xireen ciidanka, dadka la xirey waxaa kamid ah; golaha sare ee xukuma dalka iyo lataliyaha arrimaha warbaahinta Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Aljazeera wariye ka tirsan oo Suudaan jooga ayaa ku soo waramaya in isgaarsiinta dalkaas ay xadidan tahay taas oo muujinaysa xaaladda murugsan ee Suudaan.

Dalka Suudaan waxaa ka jira hubanti la’aan siyaasadeed tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Cumar Albashiir bishii Abriil 2019.

Bishii hore qaar kamid ah militariga Suudaan ayaa isku dayay afgembi inkastoo uu fashilmay isku daygaas.

sii aqri

Wararka

Qaar Ka Mid Ah Degaanada Puntland Oo Loo Dareeray Doorasho Qof Iyo Cod Ah

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Dad waynaha degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee degaanada maamul Goboleedka Puntland ayaa u dareeeray doorashooyinka qof iyo codka ah ee ka socda qaar ka mid ah degaanada maamulka Puntland.

Dadweynaha ayaa la arkayaa iyagoo safaf dhaadheer ku jira oo cododkooda dhiibanaya, waxaana sidoo kale goobjoog ka ah guddiga la socodka doorashooyinka madaxbannaan ee maamulkaasi.

Sidoo kale goobaha saaka cod bixintu ka socto ayaa waxaa horay loo geeyay Ciidamo farbadan oo ammaanka sugaya, xili degaanada maamulkaasi laga cabsi qabo in ay ka dhacaan falal ammaanka lid ku ah.

Balse Saraakiisha ammaanka ayaa horay u sheegay in ay amaanka xil gaar ah iska daari doonaan, si doorashadu ugu dhacdo nabad galyo.

sii aqri

Wararka

Dagaal Mar Kale Dib Uga Qarxay Magaalada Guriceel.

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Wararkii ugu dambeeyay eeaynu ka helayno magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in Saaka mar kale uu dagaal culus uu dib uga qarxay, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Xaaladda guud.

Dagaalka oo ah mid aad u culus ayaa haatan ka socda dhanka Bari ee Magaalada, waxaana dagaalku uu si toos ah u billawday goordhaweyd, xili waaberigii hore ee Saaka xaaladdu ay ahayd mid deggan.

Qaar ak mid ah dadka degaanka ayaa inoo xaqiijiyay in ay maqlayaan jugta rasaasta, waxaana la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana sidoo kale ay cabsi xooggani soo food saartay dadka ku nool Magaaladaasi.

Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka saaka dib u qarxay, iyadoo sidoo kale ay adag tahay in la helo xogta rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca, maaddama wali uu dagaalku socdo, dhawaqa rasaastana si weyn loo maqlayo.

Magaalada Guriceel ee xarunta ganacsiga Gobolkaasi galgaduud ayaa galaysa maalintii seddexaad oo dagaal ah, , waxaana Magaalada ka go’an adeegyada Bulshada, iyadoo Korontada, Biyaha iyo Adeegyada Caafimaadka ay yihiin kuwo aqan shaqeynayn, taaso oo keentay in dadka degaanku ay wajahaan xaalad adag oo dhanka Nolosha ah.

Sidoo kakle Dagaalka Guriceel ayaa ah mid khasaro badan dhaliyay, iyadoo Ciidamada labada dhinac u kaal dagaalamaya uu soo gaaray khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana isi-soo taraya baaqyada kasoo yeeraya waxgaradka iyo qaybaha kaal duwan ee bulshada ee lagu dalbanayo in dagaalkaasi dhiigga badani uu ku daatay la joojiyo.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka58 mins ago

Ra’isul Wasaaraha Dalka Suudaan Oo Xabsi Guri la Geliyey.

Wararka1 hour ago

Qaar Ka Mid Ah Degaanada Puntland Oo Loo Dareeray Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Wararka1 hour ago

Dagaal Mar Kale Dib Uga Qarxay Magaalada Guriceel.

Wararka1 hour ago

DFS & Dowlad Goboleedyada Oo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray Xaalada Abaaraha Dalka.

Wararka21 hours ago

Bashiir Goobe Oo Maanta Loo Dhaariyay Xilka Cusub Ee loo Magacaabay.

Wararka24 hours ago

Wararkii Ugu Dandeeyey Xaalada Degmada Guriceel.

Wararka1 day ago

Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya Oo Howlgal Ka Sameeyay Gobalka Gedo.

Wararka2 days ago

Axmed Madoobe Oo Daah-Furay Hanaanka Adeeg Dadaajinta Ee Dowladaha Hoose

Wararka2 days ago

Ciidamada Dawlada Iyo Kuwa Maamulka Galmudug Oo Lawareegey Guriceel.

Wararka2 days ago

Warar Dheeraad ah Oo Laga Helaayo Dagaal Culus Oo Weli Ka Socda Magaalada Guriceel.

Wararka2 days ago

Ahmed Madoobe Oo Kulan Laqaatay Guddiga Doorashooyinka.

Wararka2 days ago

Dagaal Xoogan Oo Goor Dhow Ka Qarxay Magaalada Guriceel

Wararka2 days ago

Qoor Qoor Oo loogu Baaqay Soo Dhameystirka Doorashada Aqalka Sare.

Wararka4 days ago

Jubaland Oo Soo Gabgabaysay Doorashada Kuraasta Aqalka Saare.

Wararka4 days ago

Farmaajo Oo Kulan Laqaatay Wasiirka Amniga iyo Bashiir Goobe

Wararka4 days ago

Farmaajo Iyo Rooble Oo Xalay Kulan Ku Yeeshay Xarunta Madaxtooyada.

Wararka1 week ago

Wararkii ugu dambeeyay Gobolka Galgaduud iyo Barakac billawday magalada gureceel

Wararka1 week ago

Ciidanka Kenya oo dad shacab ah ku dilay Gobolka Jubbada hoose

Wararka1 week ago

Gudoomiyaha midowga musharixiinta oo kulan laqaatay madax weenaha maamulka Hirshabeele

Wararka2 weeks ago

Dadka Ku Dhaqan Guriceel Oo Maanta Bilaaway Inay Ka Barakacaan.

Wararka2 weeks ago

Soomaaliya iyo Serbia Oo Kawada Hadlay Sidii Loo Hormarin Lahaa Ganacsiga.

Wararka2 weeks ago

Ciidamada Dawlada Oo Dhaqdhaqaaq Kawada Duleedka Guriceel.

Wararka2 weeks ago

Maxkamadda ICJ Oo Maanta Go’aan ka Gaareysa Dacwadda Badda Ee Somalia & Kenya.

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco