Qaraxan, ayaa wuxuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, oo la soo dhigay afaafka hore ee maqaaxida Al Hindi, kuna taala Degmada Xamar Weyne Ee Gobolka Banaadir.
Maqaaxida Al Hindi oo ku dhow Xarunta Dowladda Hoose Xamar (Visha Governo), ayaa waxaa la beegsaday abaarihii 1-dii duhurnimo ee maanta, xilli diyaargarow loogu jiray waqtigii qadada.
Ugu yaraan shan qof, ayaa waxaa la ogyahay inay qaraxaasi ku dhimatay, halka toddobo kalana ku dhaawacantay. Dadka dhintay waxaa ku jira carruur ciyaal iskuul ahayd, oo wadada kula kulantay qaraxaasi, wax yar uun ka dib, markii iskuulka laga soo fasaxay.
C/fataax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu su’aal ka keenay waxa ay markasta Shabaabku u beegsanayaan goobaha ay dadka rayidku ku badan yihiin.
Afhayeenka, ayaa wuxuu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay kuwo u soo qalab qaatay gumaadka shacabka Somaliyeed, isagoona ku tilmaamay kuwo aan aqlaal lahayn, sida uu yiri.
“Aad baan uga xunahay inay maalin walba shacabkeena maqaaxiyadaha ku gumaadaan, oo ay xabad la dhacaan. Waa dad aan aqlaaq lahayn, waa dad aan diin lahayn, waa dad aan dadnimo lahayn. Qaraxaan kii horeeyay wuxuu ka dhacay maqaaxi, kii kalana wuxuu ka dhacay maqaaxi, waa meel aan xarun dowladeed ahayn oo goob shacab ah.” Ayuu yiri C/fataax Cumar Xalane.
Waxaad mooddaa in Magaalada Muqdisho ay ku soo badanayaan weerarada ka dhanka ah goobaha laga cunteeyo. Sabtidii ayay ahayd markii ay Shabaabku beegsadeen maqaaxida Rajo, oo ku taala Isgoyska Beexaani Ee Degmada Shibis.






