Xaalada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa degan kadib markii dagaalyahanada Ururka Al Shabaab shalay ay halkaasi ku soo qaadeen weerar aad loo qorsheeyay oo ay kula wareegeen inta badan Xaafadaha Degmada Afgooye.
Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya oo aad u fara badan ayaa dhooban Magaalada Afgooye, iyadoo ciidanka NISA ay wadaan baaritaano ka socda Magaalada Afgooye oo dadka iyo gaadiidka lagu baaraayo.
Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Burundi oo Amisom qaybta ka ah ayaa sidoo kale ku sugan Magaalada Afgooye, maadaama ciidamada Saldhiga Millateri ku leh Afgooye ee Amisom ay yihiin kuwa ka socda Dowladda Burundi.
Waxaa sii kordhaaya Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay dagaalkii shalay Shabaabka ay ku qaadeen Afgooye, iyadoo tirada dhimashada ay kor u dhaafeyso 10 ruux oo u badan ciidamada Dowladda iyo Saraakiishooda.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibraahin Naxaj, ayaa sheegay lix ruux oo labo ka mid ah Shacab yihiin inay ku dhinteen dagaalkaasi, halka tiro kalena ay dhaawac yihiin.
Inkastoo Guddoomiyaha uu intaasi sheegay, hadana waxaa xusid mudan Khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay inuu intaasi ka badan yahay.
Al Shabaab ayaa sheegtay inay dileen ku dhawaad 40 Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Federalka Somaliya, balse sheegashada Shabaabka ayaa u badan buun-buunin ku aadan dagaalka ay ku qaadeen Afgooye.
Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Somaliya iyo kuwa NISA, ayaa lagu wadaa inay maanta booqdaan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose.