Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ay is casileen Wasiiro katirsanaa Xukuumada Somaliland iyo Xubno kale oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha Somaliland.
Wasiirada iscasilay ayaa ayaa kuwa aad ugu dhawaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, sida Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Is casilaada ayaa waxaa ay ku sheegeen wasiirada is casilay in ay ka dambeysay kadib markii Madaxweynaha uu la saftay dhinac ka mid ah xisbiga Kulmiye.
Hadaba wasiirada is casilay waxa ay kali yihiin.
1-Wasiirkii Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis
2.Wasiirki Cadaalada Xuseen Axmed
3..Wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan
4.Wasiirkii shaqada iyo arimaha bulshada DR Abdi Aw Dahir
5. Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed
7.Wasiir Ku Xigeenki Wasaarada shaqada Iyo Arimaha Dibada Cabdi Waaxid Cabdiraxman
8. Wasiir ku xigeenka dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan.
9 . Agaasimaha guud ee wasaarada warshadaha Mawliid Waris Cabdilaahi
10-Afhayeenki Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul
Waxaa laga cabsi qabaa in saacadaha soo socdana xubno kale oo katirsan Golaha Wasiirada Maamulka Somaliland ay is casilaan. Khilaaf ku salaysan cidda maamulaysa haamaha keydka shidaalka ee dekeda Berbera ayaa heer xun gaaray iyadoo ay ku kala qeybsameen siyaasiyiinta maamulka la magac baxay Somaliland