Nala soo xiriir

Wararka

Warbixin ku saabsan Doonidii ku degtay Badda Mediterranean ee ay ku dhinteen Dhalinyaro Soomaali ah

La Qoray

on

Doonida dadkan saarnaayeen oo aheyd cinjir , ayaa qalibmatay markii dooni weyn oo ka soo baxday xeebaha dalka Libya la isku dayay in dadka lagu daabulo , waxaana arrinkaasi uu sababay geerida dad aan ka yareyn 500 ruux oo u badan Soomaali.

Doonida ayaa ku qalibmatay xilli habeen ah bartamaha badda cad ee dhexe (The Mediterranean Sea).
Dadkani tahriibka ah ayaa ka soo ambabaxay xeebaha dalka Masar dabayaaqadii todobaadkii hore oo ku beegneed maalmaha Khamiis iyo Jimce .

Waxaa la badbaadiyay tiro dad ah oo isku dayay inay ka tallaabaan badda cad ee dhexe (The Mediterranean Sea) , kuwaasi oo ka soo socdaalay xeebta Magaalada Alexandria ee dalka Masar , waxa ayna ku sii jeedeen xeebaha dalka Talyaaniga.

Meydadka illaa iyo lix ruux ayaa si gaar gaar ah looga kala helay gelinkii dambe ee maanta xeebaha Libya .
Dadka la badbaadiyay ayaa waxaa gacanta loo geliyay maamulka Magaalada Kalamata oo ah magaalada labaad ee ugu dad badan Jaziirad u ekaha Peloponnese ee koonfurta Greece .

Dadka la badbaadiyay oo tiradoodu gaareyso 41 ruux ayaa Booliska Greece ay hooy uga dhigeen garoon kubadda cagta ah oo ku yaala Magaalada Kalamata.

Doonida Cinjirka aheyd ee ka soo baxday Masar waxaa saarnaa 300 ruux , halka doonida alwaaxa ka sameysan ee ka soo dhaqaaqday Libya ay saarnaayeen 240 ruux , kuwaasi oo ka soo ambabaxay Magaalada Tobruk , waxa ayna doonidu qalibmatay xilli saq dhexe habeennimo markii la isku dayay in dadkii Masar laga soo daabulay la saaro doonida weyn .

Dadka la badbaadiyay ayaa kala ah 37 ruux oo rag ah, 3 haween iyo canug yar , waxa ayna dadkan iskugu jiraan Soomaali , Ethiopian , Sudanese iyo Masaari , waxaana lagu soo badbaadiyay markab raashiin xamuul ah siday.

Cawaale Warsame Sandhool oo ka mid ahaa dadkii ka badbaaday Doonidii ku degtay badda cad ee dhexe (The Mediterranean Sea) , kana soo socdaalay xeebta Magaalada Alexandria ee dalka Masar, ayaa sheegay in muddo shan cisho ah inay badda dusheeda dul sabeynayeen.

Cawaale isaga iyo dhowr qofood oo Soomaali ah ayaa hadda ku sugan Magaalada Kalamata oo ah magaalada labaad ee ugu dad badan Jaziirad u ekaha Peloponnese ee koonfurta Greece .

Isagoo sheekeynayay waxa dhacay ayuu tilmaamay in doonida ay ka soo raaceen Magaalada Alexandria ee dalka Masar,ay saarnaayeen dad gaaraya 500 oo ruux, ayna ka badbaadeen oo qura 23 qof oo uu isaga ku jiro.
Markii ay doonida rogmatay ayuu sheegay Cawaale in shan maalmood badda ay ku dhex jireen oo aysan helin gurmad, halka dadka intooda kale ay ku maashoodeen badda.

Markab laga leeyahay dalka Philippine, ayuu sheegay inay gurmad ka heleen oo lagu badbaadiyay.

“Waxaan kasoo baxnay 7-dii bishan April maalin khamiis ah dalka Masar gaar ahaan magaalada Alxandira, waxaan ahayn 500 qof , doontii ayaa nala qalibantay, waxaan kusoo badbaadnay kaliya 23 qof, waxay doonta nala qallibantay 12-kii bishan, waxaana 17-ka bisha na soo badbaadiyey markab Philippine ah markii aan 5 maalin badda dulsabeynaynay, waxaan ku sugannahay Jasiirad ku taalla Gariiga.” Ayuu yiri Cawaale Warsame Sandhool .

Dadkan la badbaadiyay ayaa bilowgii hore diiday inay isku dhiibaan ciidamada ilaalada badda ee Giriiga , waxa ayna ku adkeysanayeen in la gaarsiiyo Talyaaniga.

sii aqri
ka dhiibo aragtidaada

ka dhiibo aragtidaada

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Wararka

Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed Oo Diiday In La Hakiyo Kursiga HOP103

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Guddiga doorashooyinka Koofurgalbeed ayaa soo saaray qoraal ay ku shaacinayana doorashada afar kursi oo uu ku jiro kursiga HOP103 ee uu guddiga doorashada Heer Federal hakiyay.

Qoraalka ka soo baxay guddiga heer dowlad goboleed ayaa u qornaa:

sii aqri

Wararka

Guddiga Doorashada Heer Federal Oo Hakiyay Doorashada Kursiga uu ku fadhiyay Jawaari

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Heer Federal ayaa lagu hakiyay  kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay 103 ee uu ku fadhiyay Maxamed Cismaan Jawaari, kadib cabasho ka timid habraaca loo maray.

Kursigan oo deegaan doorashadiisu yahay magaalada Baydhabo ayaa waxaa sideeddii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka lagu hakiyay kursiga 103.

Ku: Guddiga Doorashooyinka (SEIT) Koonfur Galbeed
Og: Guddiga Xalinta Khilaafaadka
Og: Madaxda Maamul Goboleedyada
Og: Raysalwasaaraha – JFS

Ujeedo: Hakin doorashada kursiga (HoP103)

Waxaa mahad iyo bogaadin u soo jeedinayaa guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo si hagar la’aan ah u wada hawsha doorashada, iyadoo maanta ay kuraastii doorashada golaha shacabka ee ugu horaysay ay ka dhacayso Baydhabo.

Haddaba iyadoo ay ka imanayso cabasho habraaca loo maray kursiga tirsigiisu kor ku xusan yahay, iyadoo guddigu (FEIT) saaka ka yeesheen shir ayaa ay isku raaceen in la hakiyo doorashada kursigaas, haddaba waxaan faraynaa guddoonka iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed in la joojiyo qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103 ilaa amar danbe.

Haddaba, amarka hakintaani wuxu soconayaa ilaa inta guddigu ka xalinayo tabashooyinka ka soo yeeraya habraaca loo maray.

sii aqri

Wararka

SAAXIIBADA CAALAMKA OO KU BAAQAY DOORASHOOYIN GOLAHA SHACABKA OO LAGU KALSOONAAN KARO

La Qoray

on

Waxaa Qoray

Muqdisho – Saaxiibada caalamku* waxay boorrinayaan in la dhammaystiro doorashada golaha shacabka oo loo dhan yahay, laguna kalsoonaan karo oo ay aqbali karaan dhammaan daneeyayaasha doorashada iyo shacabka Soomaaliyeed sida ku cad jadwal la shaaciyey, 24 ka Diseembar 2021 iyo in kadib doorashada madaxweynaha lagu soo gabagabeeyo si degdeg ah.

Waxaan ku baaqaynaa in daah-furnaan buuxda loo sameeyo dhammaan geeddi-socodyada la xiriira, oo ay ku jiraan magacaabista guddiga soo xulista, xulasta ergada, diiwaangelinta musharraxiinta, kuraas u xirirsta haweenka musharraxiinta ah, si loogu hoggaansamo qoondada boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyey, iyo maareynta lacagaha musharraxiinta. Waxa aanu sidoo kale ugu baaqaynaa guddiyada doorashada inay fududeeyaan korjoogeynta dhammaan hawlaha goobaha cod bixinta.

Waxaan ku baaqaynaa in la tix geliyo xaqa ay musharixiinta u leeyihiin in ay isu soo taagaan doorashada iyadoo la marayo jawi ku dhisan tartan dhab ah oo xalaal ah.

Waxaan ku dhiirigelinaynaa ergooyinka iyo musharrixiinta doonaya inay soo gudbiyaan cabashooyinka doorashada inay sidaas ku sameeyaan iyagoo u maraya hababka sharciga ah ee loo sameeyay ujeedkan.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

sii aqri
Xayeysiis Starfmsomalia
Wararka56 mins ago

Guddiga Doorashooyinka Koofur Galbeed Oo Diiday In La Hakiyo Kursiga HOP103

Wararka1 hour ago

Guddiga Doorashada Heer Federal Oo Hakiyay Doorashada Kursiga uu ku fadhiyay Jawaari

Wararka1 hour ago

SAAXIIBADA CAALAMKA OO KU BAAQAY DOORASHOOYIN GOLAHA SHACABKA OO LAGU KALSOONAAN KARO

Wararka6 days ago

Diiwaan-Gelinta Musharaxiinta Kuraasta Golaha Shacabka Ee Galmudug Oo Bilaabatay.

Barnaamijyada6 days ago

DHAGEYSI: Wargelinta Horseed – Baydhaba

Wararka6 days ago

Marxuum Cabdicaiis Afrika Oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Muqdisho

Wararka1 week ago

Ciidamada Dowladda Soomaaliya Oo Howlgal kula Wareegay Degaano Dhowr ah.

Wararka1 week ago

Ciidamada Ka Tirsan Booliska AMISOM Oo Muqdisho Soogaaray.

Wararka1 week ago

Deni & Axmed Madoobe Oo Dalbanaya in Doorashada lagu Soo Koobo Hal Magaalo.

Wararka1 week ago

Qarax Ka Dhacay Magaalada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud

Wararka1 week ago

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Kulamo ka Wada Dhuusamareeb

Wararka2 weeks ago

Agabka Doorashada Golaha Shacabka Oo la Geeyay Magaalada Beledweyne.

Wararka2 weeks ago

Ciidanka NISA Oo Howlgal ku Qabtay Saraakiil Ka Tirsan Al-Shabaab.

Wararka2 weeks ago

Qaramada Midoobay Oo Ka Dayrinaysa Xaaladda Bini’aadanimo Ee Soomaaliya.

Barnaamijyada2 weeks ago

DHAGEYSI: Wargelinta Horseed – Xeyle Bariise

Wararka2 weeks ago

Rooble Oo Ku wajihan Magaalada Dhuusamareed.

Wararka2 weeks ago

Qaar Kamid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Gobalada Waqooyi Jadwalka Doorasho Oo La Shaaciyey.

Wararka2 weeks ago

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Hay’adda FAO Kala Hadlay Arrimaha Fatahaadaha.

Wararka2 weeks ago

Al-Shabaab Oo Weerar Ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha Ee Baraawe.

Wararka2 weeks ago

Ciidanka Amaanka Magalada Garawe Oo Gacanta Ku Dhigey Qamri Badan.

Wararka2 weeks ago

Ciidanka Xoogga Oo Sheegay In Ay Ka Hortageen Weerar Ay Al-Shabaab Soo Qaadeen.

Wararka2 weeks ago

AMISOM Ayaa Ka Hadlay Xukunada Kala Duwan Ee Lagu Riday Ciidankooda.

Wararka2 weeks ago

Ciidanka Ammaanka Oo Muqdisho Ka Sameeyay Howlgal Miinooyin lagu Soo Saaray

Wararka5 years ago

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Dhegeysi6 years ago

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Dhegeysi6 years ago

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Wararka6 years ago

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Wararka5 years ago

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Wararka6 years ago

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Wararka5 years ago

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Dhegeysi6 years ago

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Wararka4 years ago

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

Wararka5 years ago

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wararka4 years ago

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

News In English6 years ago

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

News In English6 years ago

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Wararka4 years ago

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

Muuqaalo6 years ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

News In English4 years ago

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

News In English6 years ago

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

News In English4 years ago

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

News In English4 years ago

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Warbixinada4 years ago

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Warbixinada4 years ago

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

Warbixinada4 years ago

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

News In English4 years ago

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters

Daalaco