

Wararka
wariyaashii TV-ga Universal oo xabsiga laga sii daayey
La Qoray
6 years agoon
Waxaa Qoray
Star FMWariyeyaashii Telefishinka Universal ayaa goor dhow la sii daayay, kadib markii muddo lix maalmood ay ku xirnaayeen xabsiga Ciidamada Nabadsugida.
Sida ay sheegayaan wararka sii deynta Wariyeyaashan ayaa ka dambeysay markii Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka dalbaday Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka in Wariyeyaashaas la sii daayo.
Agaasimihii Bariga Afrika ee Telefishinka Universal C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Dahir Salaad ayaa jimcihii la soo dhaafay la xiray.
Xarigooda ayaa ka dambeysay markii todobaad ka hor uu Telefishinku qabtay dood wadaag looga hadlayay xaalada Soomaaliya, waxaana la rumeysan in doodaas ay dhibsatay dowladda.
War saxaafadeedka ka soo baxay Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in arrinta ku saabsan xildhibaanada ka qeyb galay doodaas looga hadli doono Baarlamaanka gudihiisa, isla markaana loo gudbinayo arrinta anshaxa ee Baarlamaanka.
Labada Xildhibaan oo kala ah Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in Soomaaliya aysan xor aheyn oo ajnabi heysto.
Xafiiskii Telefishinka Universal ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid isna xirnaa oo Hey’adda Nabadsugida ay albaabada isugu dhifatay, markii la xiray labada wariye, sidoo kale waxaa hawada laga saaray Kanaalka Universal TV ee laga daawanayay Cable-lada ka howl gala magaalada Muqdisho.
LAGA YAABO INAAD JECESHAHAY
Wararka
Shirkii Baarlamaanka Maanta Oo Fowdo ku Soo Dhamaaday.
La Qoray
3 weeks agoon
Mar 27, 2021Waxaa Qoray
star fm
Xarunta Villa Haegeysa ayaa waxaa ka taagan xaalad Jahwareer ah, waxaana kulan la filayay inuu u furmo Xildhibaanada Golaha Shacabka uu mar qura isku bedelay Buuq iyo Fowdo.
Kulanka Golaha Shacabka ee furmi lahaa ayaa lagu kala tegay, kaddib markii furitaanki shirka ay is hortaageen qaar ka mid ah Xildhibaannada Mucaaradka oo diiday in shirka furmo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa faray howl wadeenada Barlamaanka in ay soo qoraan xildhibaanada is hor istaaga ku sameeyay kulanki maanta si tallaabo looga qaado sida uu qabo xeer hoosaadka Baarlamaanka.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Cudurka halista ah ee COVID-19, hayeeshee qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in kulanka lagu wato qorshe muddo kordhin loogu sameeynayo Hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha.
Xildhibaano farabadan oo ka tirsan Golaha Shacabka oo goorsii horreeysay Xarunta Villa Haegeysa tegay ayaa diiday inay saxiixaan buuga lagu xaadiriyo Xildhibaanada, si kooramka Golaha u furmo, isla markaana sheegay in Guddoonka uu damacsan yahay in muddo kordhin uu sameeyo.
Wararka
Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Shir Gaar Ah Goor Dhow U Furmay Muqdisho.
La Qoray
3 weeks agoon
Mar 27, 2021Waxaa Qoray
star fm
Magaalada Muqdisho gaar ahaan hotel ku dhex yaalla Xerada Xalane ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa goor dhow uu Shir gaar ah uga furmay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda Cakiran ee siyaasadda dalka, marxaladihii ugu dambeeyay iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa Soomaaliya aan weli heshiis laga gaarin.
Sidoo kale Shirka Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga arrinsanayaan furitaanka Ajendaha Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada, kaasi oo ka dhacaya Teendhada Afisyooni.
Shirka haatan ka socda Xerada Xalene ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Puntland Saciid Deni, Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicaiis Lafta-gareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Galmudug Axmed Qoorqoor.
Madaxda maamulada ayaa saacadihii lasoo dhaafay Caasimadda dalka ku yeeshay kulamo gaar gaar ah oo hordhac u ahaa Shirka u furmay, iyagoonka siweyn uga hadlaya khilaafka ka taagan doorashada.
Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbbaland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa diiday ka qeyb galka Shir dhexmaray Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada dowladda taageersan.
Wararka
Tallaalka Covid19 Oo Kabilaawaday Maamulka Puntland.
La Qoray
3 weeks agoon
Mar 27, 2021Waxaa Qoray
star fm
Waxaa maanta Puntland ka bilaawday Tallaalka Covid19, kaasi oo wasiirka cadaalada,Dastuurka, arimaha diinta iyo dhaqan celinta uu ka furay xarunta wasaaradda caafimaadka Gobolka Nugaal.
Waxaa ka qaybgalay furitaanka talaalka Wasiirka Caafimaadka oo uu weheliyo kuxigeenkiisa iyo agaasimaha guud, sidoo kale waxaa goob ka ahaa saraakiil ka socday hay’addaha WHO iyo UNICEF.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Jamac Farax Xasan oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka talaalka ayaa yiri:-
“ Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka duulaysa helitaanka talaal lagu kalsoonaan karo ayaa maanta halkaan waxay ka daahfuraysaa tallaalka Covid19 oo ilaa 40 goobood hal mar ka wada bilaabanaya, xarumahan ayaa ku kala yaala 9 gobol ee Puntland.”
“Wajiga hore ee tallaalka ayaa loogu talagalay inay qataan dadka safka hore oo ay ka mid yihiin shaqaalaha Caafimaadka, Macalimiinta, Ciidamada Booliiska,Dadka waaweyn ee qaba xanuunada Sonkorta iyo dhiig karka.”
Talaalka ayaa socon doona 10 bari waxaana wajiga labaad uu bilaaban doonaa bisha May Ee sanadkan, talaalka maanta bilawday ayaa ka kooban 40,000 oo dos, marka dadka loogu talagalay dhamaadaan ayaa loo ogolaan doonaa in bulshada kale la siiyo.”
Wasiirka cadaalada, Dastuurka, Arimaha Diinta iyo dhaqancelinta Cawil Sheekh Hamid oo tallaalka furay ayaa yiri:- “ Waxaan ku faraxsanahay inaan kala soo qaybgalo Wasaaradda caafimaadka daahfurka loo samaynayo talaalka Covid19 Puntland oo maanta bilaabanaya waxaaan uga mahadcelinayaa wasaaradda dadaalka ay galisay helitaanka talaalka iyo inay ka shaqaysay inuu wada gaaro dhamaan deegaada Puntland, waliba isaga oo lagu heli karo si bilaash ah.”
“Waxaan muwaadiniinta usoo jeedinayaa inay talaalka qataan oo badbaadiyaan naftooda iyo tan qoyskooda.”
Puntland ayaa noqonaysa meesha kaliya Soomaliya ee talaalka laga bixiyo 40 goobood oo iskugu jira kuwa dawlada iyo kuwa gaarka loo leeyahay, wasaaradda caafimaadka waxaa masuuliyada ka saarantahay badbaadinta bulshadda dhanka caafimaadka iyo helida adeeg Caafimaad oo tayo leh laguna kalsoonaan karo.
Dhamaanteen aan ka badbaadino nafteena iyo nafta dadka kale COVID-19 ee fadlan Xiro af xirka (Facemask), Gacamahaagan si joogata ah ugu dhaq shaambo ama saabuun, Dadka kale u jirso masaafo 1 mitir ah sidoo kale qaado Tallaalka COVID-19 oo kordhi difaaca jirkaaga.


Somali Police Chief Meets British Ambassador To Somalia.

Shirkii Baarlamaanka Maanta Oo Fowdo ku Soo Dhamaaday.

Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Shir Gaar Ah Goor Dhow U Furmay Muqdisho.

Tallaalka Covid19 Oo Kabilaawaday Maamulka Puntland.

Dowladda Ingiriiska Oo Ka Digtay Doorasho Hal Dhinac Iyo Muddo Kororsi

AMISOM Oo Ka Guuray Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeelada Hoose(SAWIRRO)

Wasiirkii Amniga Jubaland oo lagu soo Dhaweeyay Degmada Beled-Xaawo.

Beesha Caalamka Oo Shaacisay In Aysan Taageeri Doonin Doorasho Hal Dhinac Ah.

Khasaaro Ka Dhashay Qarax Lala Eegtay Gaari Ay Saarnaayen Dad Shacab Ah

Qodobada ay Ku Heshiiyeen Cabdirashiid Janan & Dowladda Soomaaliya oo la Doo Bandhigay

Wafdi Wasiiro Ah Oo Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Gaaray Doolow.

Taliyaha Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliyeed oo ku sii jeeda Gedo

Cabdirashiid Janan Oo Xaqiijiyay in uu la Heshiiyay Dowladda Soomaaliya.

Weerar Askar lagu Dilay oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Midowga Yurub Oo Farriin u Diray Hoggaamiyeyaasha Siyaasada Soomaalida.

Maraykanka Oo Ku Baaqay in Shirka Doorashooyinka si Buuxda looga Qeybgalo.

Wafdi Ka Socda Dowladda Talyaaniga Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxda Dawlada iyo Kuwa Dawlada Gobaleedyada oo Warbixin ka Dhageystay Guddiga farsamada Doorashooyinka.

Wasiirda Arimaha Dibada Soomaaliya iyo Masar Ayaa Kulan Yeeshay.

Shir Horudhac ah oo ka furmay Xerada Afisiyooni Ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada NISA Ayaa Howgal Kawada Magaalada Beled-Xaawo.

Waxaa Walii Socda Qaban Qaabada Shirka Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta oo Ka Jawaabay Hadalkii Saciid Deni.

Hey’addaha Ammaanka oo soo bandhigay Taleefan Nambar oo shacabka ka soo wici karaan

Saldhig cusub oo boolis oo maanta laga furay Garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirada)

Kulan ay isgu yimaadeen Golaha Odayaasha dhaqanka Qowmiyadda Beelaha Banaadiriga iyo Golaha Isbadal doon ka siyaasada banaadiriga ayaa waxa ay kasoosaareen war saxaafadeed

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlay sababaha keenay in al-shabaab puntland gaaraan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo 3 Ruux xukun ku riday

Baarlamaanka Somaliya, ayaa weli ku guda jira la xisaabtanka Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake

Amp: Somaliya u fadhida Pakistan ayaa kulan la qaadatay wasiirada wax barashada iyo caafimaadka ee dalka Pakistan.

Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay in dadaal u geli doonaan sidii Maxkamadda caalamiga xafiis uga furan laheyd Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Dalaka Ayaa Canbaareeyey Falkii Ka Dhacay Guriga Cabdi qaybdiid

C/raxmaan C/shakuur “Waa in baaritaan madax banaan lagu sameeyo hantida laga dhacay Bankiga Dhexe”

Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa Soo Saartay War Saxaafadeed ku wajahan Maamullada Masaajidda iyo Xarumaha Diinta

Somali President comfirms 180 Kenyan troops killed in el-Ade attack

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kormeer ku tagey qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha

United Nations, AMISOM, IGAD, EU and UK congratulate Ahmed Madobe on Presidential elections

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ku soo laabtay

The African Union Commission rejects allegations of human rights violations by Amisom troops

Clarification on misquoting the President of Somalia on the casualties of El Adde attack

Zimbabwe’s new president Mnangagwa vows to ‘re-engage’ with world

Zimbabwe’s ruling party sacks Robert Mugabe as leader

Madaxweynayaasha Turkiga iyo Suudaan oo kala saxiixday Heshiisyo iskaashi

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.”

Dagaal yahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa Gandaal ku Riday Caasimada Sacuudiga ee Riyadh

U.S. airstrike kills 4 al-Shabaab fighters
Daalaco
-
Wararka2 months ago
Maxkamadda Cadaalada Aduunka Oo Diiday Codsigii Kaga Yimid Kenya.
-
Wararka2 months ago
Koonfur Afrika Ayaa Lagu Xiray Hoggaamiyaha Burcada Disha Soomaalida.
-
Barnaamijyada2 months ago
Dhageyso :- Bar naamijka Daryeel
-
Barnaamijyo Maalinle2 months ago
Dhageysi:-Barnamijka Xogmaal StarFm 23.Feb.2021.