Waxaa maanta Isbitaalka weyn ee Gaalkacyo lagu wareejiyay Daawooyin kala duwna oo loogu tala galay Isbitaalka taasi oo ka kooban Dawooyin iyo Qalabka isbitaalka loo isticmaalo.
Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa ku wareejisay maamulka Isbitaalka Gaalkacyo ee Galmudug waxana kulanka wareejinta goobjoog ka ahaa madaxda sare ee Isbitaalka iyo Madaxda Madaxtooyada Galmudug iyo Wasaarada Caafimaadka.
Agaasime ku xigeenka isbitalka Gaalkacyo Cabdi Maxamed Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada Caafimaadka Galmudug Maxamed Xasan ayaa goobta daawooyinka lagu wareejinayay ka hadlay.
Cabdi Maxamed Xirsi ayaa sheegay in Isbitaalka uu aad ugu baahnaa daawooyinka maanta lasoo gaarsiiyay isla markana u mahad celinayaan dowlada Galmudug isagoo intaasi ku daray in qalabka loogu adeegi doono shacabka Galmudug ee Gaalkacyo ku sugan.
Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug Maxamed Xasan ayaa dhankiisa halkaasi ka sheegay in dowlada Galmudug markasta hormarineyso isbitaalada Galmudug, isagoo sheegay inay dowlada Federaalka Soomaaliya soo gaarsiisay Wasaaradiisa Daawooyinka isla markaana dhankooda ku wareejiyeen goobaha Caafimaadka.
Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu daawooyinka iyo qalabka kale gaarsiin doono Isbitaalada kale ee ku yaala deegaanada Galmudug si halkaasi looga daboolo baahida dhanka Caafimaadka.
Si kastaba ha ahaatee, Dawooyin la gaarsiiyay Isbitaalka ugu weyn Gaalkacyo ayaa imaanaya iyadoo Isbitaalka ay ka baxeen Hay’adaha Taakuleen jiray isla markana ku jiraan tiro Dhaawacyo ah oo ku dhaawacmay dagaalkii Gaalkacyo iyadoo dhanka kale uu Istibitaalka ka socdo Dayactirka kasoo gaartay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Gaalkacyo.