Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa digniin wuxuu u jeediyay Wasaaradaha Xukuumadda Federalka Somaliya, isaga oo uga digay inay Akoono gaar ah ka furtaan Bankiyada gaarka loo leeyahay.
Isaga oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa Dr Axmed Cali Daahir wuxuu sheegay Wasaarad kasta oo Xukuumadda ka tirsan inay muhiim tahay inay Akoon ku leedahay Bankiga Dhexe.
“Hay’adaha dowladda akoono kama furan karaan bankiyada sida gaarka ah loo leeyahay sida Dahabshiil iyo meelo kale, waa in la xoojiyaa bankiga dhexe, ciddii lagu hela in shirkad gaar ah ay akoono ka furato laga qaadi doono talaabo sharci ah, ciddii lagu hela waa fal dambiyadeed”
Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa intaasi ku daray inuu uga digaayo Wasaarada in lagu takri falo dhaqaalaha u soo xarooda Wasaarad kasta oo Xukuumadda ka tirsan.
“Waxaa waajib ah in Dhakhligaasi la qaadaayo aano ku dhicin Jeeb qalad ah ama gacan qalad ah Dowladda waxa ay leedahay Bank (Central Bank) Bankiga dhexe Hay’ad waliba waa inay Akoon ka furataa oo ay dhaqligaasi lagu shubaa Akoonkaasi, ma’ahan nin Boleeto wata inuu inta u tago dadka lacag ka qaado, lacagtiina aysan noqon daqligii Dowladda, kadibna Wasaarada sida ay doonto ugu takrifasho, sida caalamka ay u shaqeeyaan hada, waa in dadka Bankiga loot ago oo receipt qofka uu keenaa waana wadada kaliya ee Dhaqliga Dowladda ku bad-baadi karo.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha oo Warbaahinta Muqdisho kula hadlay.