Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay shahaada cusub oo dugsi sare ah, taas oo oo noqon doonto tii rasmiga ahayd oo ardayda dugsiyada sare qaadanayaan.
Kulanka ay isugu yimaadeen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, ee xukuumadda Soomaaliya oo ay ugu horeeyaan Wasiirka, Wasiiru-dowlaha, Wasiir ku-xigeenka iyo mas’uuliyiinta kale ee Wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay shahaadada dugsiga sare oo naqshad loo sameeyay iyadoo la sheegay in shahaadada laga aqoonsanyahay caalamka.
Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa bogaadin u jeediyay ardayda ka qeyb qaatay imtixaankii mideysnaa oo ay wasaaradda ka hirgelisay bartamaha iyo koonfurta dalka, iyagoo waalidiinta kale ka codsaday in carruurtooda aysan u sameyn shahaado been abuur ah oo aan adduunka laga aqoonsaneyn, Wasaaradduna ay ka soo horjeeddo mid ka baxsan tan ay maanta soo bandhigeen.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare Qadro Bashiir Cali ayaa sheegtay in wasaaraddu ay ku guuleysatay inay soo saarto shahaado casri ah oo dhanka dugsiyada sare, taasi oo meesha ka saaray in lagu hungoobo kuwa been abuurka ah oo ay sheegtay in meelo badan dunida ka mid ah laga diiday.
“Marki aan ogaanay baahida jirta in la helo shahaado tayadeedu sareyso, oo laga hortago mid been abuur ah, runtii Wasaaraddu juhdi ayay ku bixiyeen, waxaana isku raacnay in aan soo saarno shahaado cusub oo ka duwan kuwii hore oo ah mid aan la been abuuri karin” ayay tiri Wasiirka Waxbarashada.
Inkastoo wasaarada Waxbarashada ay shaacisay in shahaadada ay soo saartay mid aan ahayn ay tahay mid aan shaqeyneyn ayaa hase ahaatee kumanaan arday oo soo dhamaysatay dugsiyada sare ay shahaadooyin siiyeen daladaha ka jira dalka.
Illaa iyo hadda daladaha ka jira dalka ma aysan ka hadlin warka ka soo yeeray wasiirka wasaarada waxbarashada ee ah in shahaadooyinka kale ee jir ay yihiin kuwo aan sharci ahayn.