Shirar isdaba joog ah oo Madaxda Dowlada ugu sareysa iyo Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah loogu go’aamiyay in amaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyo maamulka Gobolka Banaadir.
In amaanka Caasimada lagu wareejiyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa dad badan oo kunool Magaalada Muqdisho u arkaan xalka kaliya ee ugu wanaagsan laguna xaqiijin karo amaanka guud ee caasimada ee kusoo bateen qaraxyada.
Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay in Gudoomiye kasta oo Gobolka Banaadir katirsan lagula xisaabtami doono waxii falal amaan daro ah ee ka dhaca dagmadiisa, waxa ayna Wasaarado sheegtay in Gudoomiyaasha Degmooyinka markan masuuliyad adag dushooda saaran tahay.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/rashiid Maxamed Xidig, ayaa sheegay in amaanka Caasimada lagu wareejiyay maamulka Gobolka Banaadir,waxa uuna tilmaamay hadii fal amni daro ka dhaco Muqdisho lagula xisaabtamayo gudoomiyaha degmada uu ka dhacdo falkaasi.
”Gudoomiye kasta oo degmo waxaa hada kadib hoos imaanaya Taliyaasha booliiska iyo Nabad sugida, waxaan gudoomiyaha lagula xisaabtamayaa waxii falal amaan daro ee ka dhaca degmadiisa, waxaa laga doonayaa Gudoomiyaasha in ay qaadaan masuuliyadan adag waayo hadii Degmadiisa wax ka dhacaan isaga ayaa kow loo qabsanayaa” Ayuu yiri Mr Xidig.
Wasiirka ayaa ugu baaqay Shacabka magaalada Muqdisho in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka si looga hortago falalka amaanka lidiga ku ah ee kusoo batay maalmahan dambe qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa laga cabsi qabaa in ay qaarkood ku fashilman masuuliyadan adag ee dusha laga saaray, Gudoomiyaasha degmooyinka ayaana u badan dhalinyaro aan xaga amaanka waxba ka aqoon laguna soo xulay kaliya in ay Jaamacado kasoo baxeen.