Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Smaliya, Maxamed Cumar Ceymoy, ayaa beeniyay in si sharci darro ah lagu gurto kalluunka xeebaha Somaliya, isagoo meesha ka saaray walaaca arrintaasi la xiriirta.
Warbixin ay soo saartay Hay’adda One Earth Future foundation, oo ah hayad madax bannaan oo fadhigoodu uu yahay dalka Mareykanka, ayaa waxay ku sheegtay in maraakiibta shisheeye ay kalluumeysi sharci darro ah, oo ballaaran ka wadaan xeebaha Somaliya.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in maraakiibtaasi ay xeebaha Somaliya ka kalluumeystan saddex laab tiro ka badan inta ay ka kalluumeystan dadka Somaliyeed. Warbixintan waxaa ku cad in kalluun u dhigma saddex boqol oo milyan oo dollar, ay maraakiibta shisheeye ka kalluumeystan badda Somaliya, waxaana inta badan maraakiibtaasi laga lee yahay dalalka Iran iyo Yemen.
Wasiirka Kalluumeysiga Somaliya oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa tilmaamay hadda inaanay jirin sharci darro sidaa u buuran oo looga kalluumeysto badda Somaliya, balse ay jirtay waqti hore.
“Waqti hore mise waqtiga hadda? Way jirtay kalluumeysi shari darro ah oo badda Somaliya ka buuxay, soona buux dhaafiyay, kana kalluumeysanaayay. Hadase nidaamkaas ma jiro, maxaa yeelay nasiib waxaa noo noqotay oo na caawiyay weliba oo ayaga ay khalad u arkayen nimankii burcad badeeda lagu sheegaayay, laakiin ahaa dad dalkooda iyo badooda difaacanaayay.” Ayuu yiri Wasiirka.
Waxa kaloo uu yiri “Wixii ka horeeyay 2010-kii maraakiibta shisheeye oo weliba waaweyn si sharci daro ah ayay badda ku taggi jireen, ka dib markii raggaasi ay arkayn dhowr maraakiibna ay ka qafaasheen, iskood ayay u carareen, oo ay isaga baxeen.”
Wasiirka, ayaa xusay inay jirto tuugnimo yar oo ka dhan ah kalluunka Somaliya, laakiin aan la dhihi karin tuugnimo weyn, isla-markaana ay jiraan su’aalo la weydiiyo maraakiibta sida sharci darada ah kaga kalluumeysata xeebaha Somaliya, marka la qabto.
Maxamed Cumar Ceymoy, ayaa ku faanay in iyagoo ku sugan Magaalada Muqdisho, ay ka war qabaan dhaq dhaqaaqa badda, maraakiibta soo gasha, halka ay ku beegan yihiin iyo weliba goorta, ay xeebaheena ka baxayan.